Senator Nadiir “Dhibaato Ayaan Ku Qabnaa Koontaroolada Madaxtooyda”

Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir oo ah guddoomiyaha arrimaha bulshada ee Golaha Aqalka Sare, ayaa soo dhaweeyay tallaabadii uu qaaday Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ee lagu furay Wadooyinka magaalada Muqdisho.

Senator Nadiir ayaa sheegay in go’aankan uu ahaa mid loo baahnaa, islamarkaana uu kaga mahadcelanayo Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay dhibaatooyin xoogan mas’uuliyiinta DFS ay ku qabaan koontaroolada laga soo galo dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa uu carabka ku dhuftay in wax tix gelin inta badan aysan ka helin Ciidamada ku sugan xarumahaais.