Qof shacab ah oo isku toogtay Muqdisho

Wararka ka imaanaya degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Wiil dhalinyaro ah oo heystay Bastoolad uu isku toogtay gudaha degmadaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen masuuliyiinta degmada Waaberi.

Dhacdadan oo si gaar ah uga dhacday Waaxda October Laanta Dhagaxtuur ee degmada Waaberi ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ninkan dhalinyarada ah oo Da’diisa ay aheyd 25 sano uu keligiisa ku ciyaarayay Bastoolad uu lahaa Askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka, midaasina ay sababtay in Hal xabad ay ku fakatay, taasi oo kaga dhacday Madaxa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen in arrintan ay dhacday shalay gelinkii dambe abaare 05:30 daqiiqo galabnimo, ninkaasina goobta looga qaaday dhaawac ahaan, balse xalay uu ku geeriyooday gudaha Isbitaalka Madiina, maadaama xabada ay kaga dhacday meel halis ah.