Maqaal Xiiso leh: Arrimaha Somalia iyo Somaliland

MUDDO 30 sano ku dhow ayaa siyaasiyiinta Somaliland iyo Somalia ay natijo ka gaari la’yihiin xal u helista arrimaha sii cakirmaya ee ka dhexeeya labada Gobol.

Ma tahay suuragal in Ururada Bulshada Madinga (CSOs) ay door ku yeelan karaan curinta hab lagaga gudbi karo ismari waaga oo meel dhexe oo caadil ay labada dhinac isugu imaan karaan.

Labada gees waxay lumiyeen fursado badan oo xal loogu heli karay qaldaadka stratejiga ahaa ee dhacay oo lagaga maarmi karay in xaaladu ay gaarto meel aaney cidna ugu jirin dan oo geedki Soomaali ay ku hiran jiridda loo siibo.

Marka laga soo tago wixii ka horeeya xoriyadda, is-raaca labada gobol shuroodo ay dhigteen oo saxiixan ayadoo xog-ogaalku caddeeyo in Midowga labada Gobol ku dhisan ay “JADBO”.

BACDAMA maanta aan arkeyno isbedelka mandiqadeena Geeska Afrika, Afrikada Bari iyo wadamada Khaliijka ka dhaca. Haddii aanan qayb ka noqon weyno dhaqdhaaqa diblomaasiyadda, waxaa geli doona qaldaad strateeji oo ay adkaan doonto sidii hadhow loo sixi laha.

Jiilasheena soo socda aan badbaadino oo dal nabada dhaxalsiino.

Wixi tafasiil ah aan isagana nimaado. Waxaan rajeynaya inay labada qayb naga oggoladaan talo-soo-jeedintaas

Waa iga talo waayeel!