Donald Trump Oo la helay haweeney u eg

Tuulada lugu magacaabo Cabana de Bergantiños ee ku taala waqooyi bari ee dalka Spain, ayaa laga helay haweeney lugu sheegay ineey u muuqaal eg tahay madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump.

Haweeneydan u eg Trump ayaa lugu magacaabo Dolores Leis Antelo, waana haweeney beeraleey ah. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in haweeneydani tahay qof aan heeysan is gaarsiin nooca ay tahay, taasina ay keentay ineey ka dhago xirnaato waxa caalamka daafahiisa ka dhacaya.

Hadaba gabadha lugu magacaabo Paula Vázquez, oo ah saxafiyad tuuladaasi dalxiis ku tagtay ayaa markii ay haweeneydani aragtay ku boobtay kaamirad ay wadatay, ka dibna soo dhigtay baraha bulshadda.

Haweeneydan u eg Trump ayaa la sheegay in ay ka war heshay wararka la xirriira isku ekaanshaha iyada iyo Trump, waxaana ay xustay in uu aad ugu eg yahay.

Ugu damebtiina waxeey haweeneeydani xustay ineey is gaarsiin sameeynsan doonto oo u ka mid yahay taleefanka casriga ee Smart phones-ka loo yaqaano maadama ay haatan noqotay “qof caan ah”.

Ikram Cali Kaar