Diyaarado Dagaal oo Waraaqo Digniin ah ku daadiyay Deegaano ka tirsan Gobolada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe

Muqdisho: Diyaarado dagaal ayaa deegaano ka tirsan gobolada Sh/Dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo ay maamulaan Shabaab waxay maanta ku daadiyeen warqado digniin ah oo ku socota dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.

 

Dadka degaanka ayaa sheegay inay arkeen Diyaarado dagaal oo dul heehaabaya degaano labadan gobol ka kala tirsan.

Tuulooyinka ay Diyaaradahan dagaal warqadaha ku daadiyeen ayaa waxaa ka mid ah tuulada Basra oo dhawr iyo Toban KM dhinaca Galbeed ka xigta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanka Basra ayaa waxay ka mid tahay goobaha ay maamulaan Ururka Al-Shabaab, warqadaha ay Diyaaradahan daadiyeen ayaa waxa ay shacabka uga digayaan inay ka ag dhawaadaan goobaha ay Shabaab ku sugan yihiin.

Dhankakale shacabka ku dhaqan degaanadan ayaa waxay sheegeen inay dareemayaan cabsi ku aadan in diyaaradahan ay duqeyn geystaan, xilli aanan laga warqabin.