Dhaqaale badan Nabad waa lagu sameyn karaa!

Dhaxal Sugaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa abaal marinta ugu sareysa ee dhinaca Nabada iyo Horumarka dalkiisa Imaaraadka bixiyo wuxuu guddoonsiiyey

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kaddib maray ogolaadeen mashruucii dib u heshiisiinta ee dawlada imaaraadku ka soo shaqeysay waqtiga dheer.

waxaa iska cad in Dawlada imaaraadku ay dhaqaalo badan ku bixisay inay heshiisiiso Labada dawladood ee itoobiya iyo Eriteriya.
oo colaad dhextaalay mudo 20 sano ka badan. Arinka oo noqdey wax dad badan filan waa ku noqdey.

Waxaa heshiiskan Dawlada imaaraadka ku saaciday oo hawsha la waday Dawladaha sacuudiga Maraykanka iyo israil oo isku si wax u arka. In labadan dal la heshiisiiyo.

Dad badan ayaa moodaya in Raysal wasaaraha. Dawlada Itoobiya Abiy ahmed uu isagu keenay Figradan labada dawladood ee itoobiya iyo Eriteriya. Ku heshiiyeen!

Arinku inuu sidaa ahayn waxaa noocadeeyey sida dawlada imaaraadka uga muuqato heshiiskan oo waqti badan ku bixisay. Dangaarana kaleh.

Sow inaan is weydiino maaha yaaloo heshiinayaa oo meesha laga saarayaa ?

Waxaa loo heshiinayaa oo cadow loo arkaa dawladaha Turkiga shiinaha iyo iran oo gacanta ku haya dekedaha Jabuuti Yaman iyo somalia.

In laga ilaaliyo in aaney wax awooda ku yeelan marinada bada cas. ugu muhiimsan.

Waxaa bilowdey Dagaalka ku salaysan danaha dhaqaale iyo Marinada badaha ugu muhiimsan in lagu tartamo Gaar ahaan

Marinada bada cas waxaa ku yaal marino muhiima oo dawlado badan isku hays taan

Dhaxal Sugaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa ku faaney inay dawlada imaaraadku. qayn weyn ka qaadatay Nabada iyo horumarka Geeska Afrika.

Waxay sadexda dawladood ee imaaraadka Itoobiya eriteriya ay wada saxiixdeen Heshiis Dhexdooda ah.

oo abuuraya siyaabo lagu xoojinayo maal-gashiga iyo xiriirka ganacsiga. ee sadexda wadan

heshiiskan waxaa aad uga Faa’iidaya wadanka itoobiya oo dhaqaale badan ku helaya maalgashiga caalamka gaar ahaan dhisida warshado yar yar.iyo shaqo abuurid deg deg ah.

Siyaasadan cusub ee Saameynta Imaaraadka Carabta ee Gobolka Geeska Afrika ayaa isa soo taraysay sanadihii u dambeeyay, iyadoo dawlada imaaraadku maalgashi ku samay say dekadaha intooda badan ku yaal Geeska afrika.

Dawlada Faderaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo waxaa culays siyaasadeed ku haya dawlada imaaraadka oo ay xiriirka u jartay. Markii uu dhacay murankii dawladaha khaliijka.

Villa Somalia ayaa qaadatay siyaasad ah
wixii taageero ah oo ay ka heli jirtay Dawlada Imaaraadka inay ka heli doonaan Dawladaha Qatar iyo Turkiga,

Madaxda maamul Dawlad Gobaleed yada xukuma. Taladaa siyaasadeed ee ay qaadatay villa somalia waxba lagama ogeysiin. Arinkaa oo keenay dood siyaasadeed oo wali taagan wax xal ahna loo hayn.

Arinkan oo ah in dawlada imaaraadku wax walba ha ku qaadatee ay fashilinayso xirirka Dawlada Qatar iyo villa somali. Iyadoo awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed isticmaalaysa.

Danjire Mahamed Caalim
caalim68@hotmail