Wax ka ogow Taariikhda iyo Horumarka Dalka Croatia

Dalka Croatia waxaa loo yaqaan jamhuuriyadda dadka Croatia waxaana uu ku yaala bartamaha Yurub.

Dalkaan aanu ka sheekaynayno ee Croatia waxaa uu xaduud la la leeyahay dalalka Hungry, Serbiya, Bosnia  iyo Herzegovina, Montaneegaro iyo Islofaaniya.

Calanka dalka Croatia waxaa uu ka koobanyahay midabada Casaan, Cadaan iyo Buluug dhexda ku leh goobaabin sida haanta u samaysan madaxana calaamado kala duwan ku leh.

Caasimada dalka aanu ka hadlayno waxaa la yiraahdaa Segreb waana magaalada wadanka ugu weyn.

Tirada dadka Croatia u dhashay waxaa lag qiyaasaa 4 million iyo 28 kun oo ruux tirakoob lasoo saaray sanadkii 2017 waana dalka 125,aad ee adduunka ugu dadka badan  gaadiidkuna waxay isku dhaafaan marka dalkaasi la joogo dhanka midig.

Lacagta dalkaan laga isticmaalo waxaa la yiraahdaa Kuna luuqada rasmiga ah ee dawladu ku shaqaynasana waxaa la yiraahdaa Crotian.

Taariikh ahaan dalkaan waxaa la aaminsanyahay in la degay qarnigii lixaad waayihii dagaalkii labaadna waxaa uu ka mid ahaa dalkii la oran jiray Austria-Hungary hase ahaatee dal madax banaan waxaa uu noqday 25 bishii June sanadkii 1991,kii ururka midawga Yurubna waxaa uu ku biiray 01 July sanadkii 2013.

Dalka Croatia hadda waxaa uu xubin ka yahay ururka Midawga Yurub, Q,M ururka gaashaanbuurta NATO, ururka ganacsiga Adduunka, iyo ururo kale.

Dhaqaalaha haddaan eegno wadankaan waxaa uu ka mid yahay wadamada ugu dhaqaalaha badan adduunka waana dalka 20,aaad ee adduunka oo dhan loo dalxiis tago.

Qiimeyn la sameeyay sanadkii 2017 waxaa la sheegay in heerka dadka  shaqo la’aanta ah ay gaarsiisan tahay 15% waxaana dalkaan ku yaala Warshado waa weyn oo qaarkood maraakiib lagu farsameeyo.

Dhanka diimaha haddii aan eegnana dawladu waxay sheegtaa inaysan jirin wax diin ah oo ay gooni u aqoonsantahay hase ahaatee dadka ugu badan waa masiixiyiin Muslimiintuna bulshada wadankaasi waxay ka yihiin 1.4% .

Islamku Croatia waxaa uu gaaray waayihii saldanadii Cusmaaniyiinta qarnigii 15,aad waxaana masjidkii ugu horeeyay laga dhisay sanadkii 1969, haatana waxaa dalkaasi oo dhan ku yaala 4 masjid oo waa weyn.

Muslimiinta ugu badan ee dalkaan waxay asal ahaan kasoo jeedaan dalka Bosnia.

Waxyaabaha dalkaan Croatia laga qoray waxaa ka mid ah in ragga cimrigoodu badi gaaro 74 sanno halka dumarkuna gaaraan 80 sanno hase ahaatee dawladu waxa ugu badan ee ay ku dadaalayso inay wax ka qabato waa dhalmada oo yar.

Dalkaan waxaa uu ka mid yahay wadamada laga helo adeegyo caafimaad oo tayaysan waxaana dalkaasi oo dhan ku yaala 79 isbitaal oo sanadkii u adeega 700 oo kun oo qof.

In ka badan 5 kun oo dhaqaatiira ayaana xarumahaas cafimaad ka shaqeeya.

Sanadkii 2009 Waxaa la ogaaday 13 qof oo kaliya ay dalkaasi ka qaadeen xanuunka Aidska  6 ka mid ahna markii dambe isla xanuunkaas ayay u geeriyoodeen.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO sanadkii 2008 waxay soo saartay warbixin ay ku sheegaysay in inka badan 27% dadka Croatia ay sigaar cabaan.

Dhanka dhaqankana dadka dalkaasi waa ay kala duwan yihiin dhaqamadooda oo qawmiyad walba waxay leedahay dhaqan u gooni ah.

Raashinka ugu badan ee dalkaan laga cunana waa bariiska, baastada hilbaha xoolaha iyo kaluunka raashinka dhaqanka u ah dadka Croatian ah waa kaluun rooti iyo aargoosato la isku kariyay.

Cayaarahana kubadda cagta ayaa ka mid ah waxyaabaha aad looga xiiseeyo dalkaan waxaana xiriirka kubadda cagta Croatia u diwaan gashan in ka badan kun cayaaryahan oo kubadda cagta ah.

Cayaartoyda xulka qaranka Croatia  markii ugu horeysay ayay sanadkaan heerka final gaareen cayaaraha kuubka adduunka ee lagu qabtay dalka Rushka waxaana ay cayaartii ugu dambeysay la yeesheen xulka Faransiiska oo ka adkaaday.

W/Tarjumay Burhaan Diini Faarax.

burhandiini@gmail.com