WARBIXIN:- ISBADELADA ETHIOPIA & ERITREA, IYO DABINADA KU QARSOON.!!

Dad badan shaki baa uga jiray Game-ka cajiibka ah ee uu mandaqada ka ciyaarayo Reysalwasaare Abiy Ahmed iyo isbadalada xowliga ku socda ee uu wado, inay yihiin kuwa naga da’ weyn oo aaney ku curan si sahal ah iyo laablakac,balse waxaa Xaqiiq ah inay sheekadu tahay mid laga soo abuuray meelo kale.

Sidoo kale maalmahan waxaan maqlayay Doodo iyo falanqeyn dhowr ah oo laga yeelanayo Isbadalka ka socda Ethiopia iyo Saamaynta uu ku yeelan karo Soomaaliya, waa goorma goorta lala hadaaqayo sidaa iyo sidaa waa goor qorshihii oo dhameystiran laga hirgaliyey docdeena inagoo ka maqan madasha taladiina nalaku darsaday.

Waa hubanti in Game kan iyo indha sarcaadka filan waaga ah ee ka socda Ethiopia uu yahay mid ay Shukaanta u hayaan Siyaasiyiin dalaaliin ah & Ganacsato UAE ah oo raba inay markale shaar Ethiopian ah u soo gashadaan Dibindaab yeynta iyo duleysiga ilaha dhaqaale ee wadamada Geeska dhaca,Maadaama ay ku fashilmeyn isku daygoodii koowaad ee Dekedaha Soomaaliya taasina ay ku abuurtay cadaawad gaar ah iyo sidoo kale dharbaax xadii kaga dhacday gacan ku heynta Marsada Jabuuti.taasina ay ku xambaartay inay Game-kan cusub ciyaaraan.

Hadaba Waxaan marna shaki ku jirin in Imaaraadka oo dalaal uga ah wadamada Reer Galbeedka badbaadinta Ethiopia inay iyaduna uga faaideysaneyso sidii ay mar un gacanta ugu wada dhigi laheyd Dekedaha Soomaaliya,& Asmara iyadoo ujeedkooduna yahay inay marka hore Jabuuti ka dhigaan Sxb la’aan sida uu qorshaheedu yahay dabadeedna ay noqoto meel Go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale wajahda ilaa ay ugu dambayn Madaxweyne Geelle ku kiciyaan duufaano mucaarad ah oo ka abuura qalalaaso siyaasadeed.waana tan hada hurdada ka toosisay Hogaanka Jabuuti kuna qasabtay in uu ku dhaqaaqo sidii uu taageero ugu heli lahaa heshiis nabadeed oo dhexmara iyaga iyo Asmara, halka ay Eritrea gabi ahaanba Ciidankii ka joogay xadka Ethiopia u soo wareejisay xuduuda ay la wadaagto Jabuuti.

Qowlaysatada UAE waxaan daah ka saarneyn inay danahooda siyaasadeed iyo kuwooda dhaqaale ay maanta si sahal ah uga fushan karaan Wadamada Geeska Africa oo ay hadheeyeen qalalaaso siyaasadeed iyo mid dhaqaale,waana tan soo dedejisay isbedalada mucjisooyinka ah ee ka dhex socda Ethiopia iyo Eritrea laguna soo beegay xili ay labada dalba baahi weyn u qabaan xasilooni siyaasadeed,Nabad ku wada noolaansho iyo dhaqaale abuur, inkastoo laga yaabo inay waqti qaadato is aamin-naadooda 3 Geesoodka ah maadaama ay meesha ku jirto Eritrea oo ah dal aan ciyaar sahlaneyn oo muddo 18 sano ah dagaal,Cagajugleyn iyo cunaqabateynba wax looga qaadi waayay.

Dhinaca kale , Marka laga eego saameynta Soomaaliya iyo isbadalada ka socda wadamada Ethiopia iyo Eritrea waa wax iska cad in ay saameyn nagu yeelanayaan sida saameyn Dhaqaale,Mid Nabadgalyo,iyo mid siyaasadeed oo ah tan ugu halista badan hadii aan la helin Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed oo wadaniyiin ah oo Ciyaarta socota la dabaasha kana dabaasha. waayoo Xikmad baa oraneysa:-
” Duufaanada Isbadaladu waa hirarka badda oo kale hadaad tiraahdo isla daad raaci waad ku lumeysaa, hadaad si xoog ah uga hortimaadana waad ku rafaadeysaa”

=WAXAAD MAANTA BI’SAAN BIRI HA U SHALAAYINA.!!

NB/- Sawirkaan miisaan hala saaro & sababta biladda Nabadda ee ugu sareysa Emaraadka loogu raray labada Oday .!!!.

=WAA ARAGTI DEYDA/=

WQ/= Abdulkadir Dulyar
Muqdisho Somalia