Tan ilaa iyo tii Carta 2000, Soomaalidu waxa ay dhisi la’yihiin nidaam dowlanimo

Tan iyo dowladii lagu soo dhisey tuullada Carta 2000, Soomaalidu waxa ay dhisi la’yihiin nidaam dowlanimo.

Mudadaa 18 sano waxaa la kari la’yahay in la hagaajiyo xitaa hal wasaarad oo ay u dhantahay haykalkeeda wasaaradeed. Wasaaradaha dowlada federaalka ma laha inta badan xafiisyo ay ku shaqeeyaan, ma haystaan qalabkii xafiisyada noocyadiisa kala duwan, sharuucdii iyo siyaasada wasaarada ku shaqeyn lahayd, sidoo kale ma haystaan shaqaale tababaran oo howsha wasaarada wadi kara, ma haystaan ( Job description) qeexitaanka shaqada ee waax walba leedahay iyo ( Work Plan) qorshe howleed ay ku shaqeeyaan shaqaalaha wasaarada.

18 sano kadib hadda ayaa hay’ado ka socda qaramada midoobey iyo kuwo ah Internation NGO ku caawinayaan in wasaaraha dowlada federaalka u dhisaan sharuucdii iyo qaab dhismeedka wasaarada.
Dowlad walba oo timaada waxey 4 sano kadib meeshii ka baxdaa iyadoo dhisin nidaam dowladnimo.

Soomaaliya waxey noqotey mashruuc lacag lagu xado. Lacag ka badan 2.5 bilyan ayaa caalamku ku bixiyey magaca Soomaaliya seddaxdii sano ee la soo dhaafey. Lacagta tirada badan ee caalamku ugu deeqey Soomaalida ayaa 95% waxaa la soo marsiiyaa hay’adaha qaramada midoobe ee Soomaaliya ka howlgala sida UNDP, UNICEF, ILO, FAO iyo hay’adaha caalamiga ah (International NGO) ee laga leeyahay dalalka reer galbeedka ee mashaariicda ka fuliya Soomaaliya.
Lacagtaa tirada badan mashaariic horumarineed iyo mid samafal ayaa hay’aduhu ku fuliyaan dalka gudahiisa waxaase meesha ka maqan awoodii dowladeed ee hay’adahaas la xisaabtami lahayd madaama dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadaba weli u dhisnayn nidaamkii dowladnimo.

Hay’adaha caalamiga mashaariicda ee ka fuliyaan Soomaaliya iyagaa la yimaada qorshaha iyagaa fuliya isla iyagaa isku sameeya (monitoring & evaluation) kormeer iyo qiimeyn. Waxaa meesha ka maqan isla xisaabtankii dowladeed. Madaama dowlada Soomaaliya u dhisnayn nidaamkii dowladnimo in mashaariicda fulinteeda lagu aammino iska daa xitaa awood uma laha in ay dabagal iyo qiimeyn ku sameeyaan mashaariicda malyuumaadka dollar ku baxa ee dalkeeda laga fuliyo. Shirarka caalamka ka dhaca sida kii hadda Brussels ka dhacey lacagaha Soomaalida loogu deeqo qaabkaad ayey ku baxaan. Siyaasiyiinteena muuqaalka iyo saxiixa keliya ayaa laga rabaa.

Ilyas Mohamud Hussein