Shir Caalami ah oo ka furmay Muqdisho

Shir looga hadlaya tayada Waxbarasho ee dalalka ka soo kabanaya colaadaha ayaa goor dhow ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay mas`uuliyiin kala duwan oo heer caalami ah iyo xubno ka socda dowlada fedraalka Soomaaliya, waxaana shirka daah furay Ra`iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Shirka oo goor dhow furmay ayaa waxaa hadalo ka jeediyay mas`uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarshada Xukumada Soomaaliya iyo xubno kale.

Waxaa sidoo kale ka soo qeyb gelaya wufuud heer caalami ah, kuwaasi oo iyagu qaarkood soo agaasimay shirkaasi oo ah midkii ugu horeeyay ee ugu weynaa oo laga yeesho dhinaca waxbrashada.