Danjire Micheal Keating oo Farriin u diray dadka Soomaaliyeed

Wakiilka Gaarka  ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire  Michael Keating oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku socota Waddo wanaagsan,islamarkaana loo baahan yahay in laga taageero sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaallaha ee Soomaaliya.

Keating ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin kaalin walba oo Soomaaliya ay ku gaari karto isku filnaan.

Danjire Keating ayaa  tilmaamay in maanta la jooggo xilli ay isku filaan laheyd Soomaaliya, loona baahan yahay  in aysan cidna wax ka sugin.

Wakiilka ayaa hadalkaan ka jeediyay Madal ay soo qaban qaabiyeen Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ, loogana hadlayey sida warfaafinta uga qeyb-qaadan karto baahinta dowladda wanaagga.

“Soomaaliya waxaan leeyahay cidna wax ha ku sugin waxa ay rabtaba ahaatee sidda, amni, dhaqaale iyo wax kalaba Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida” ayuu yiri Micheal Keating.