Ciidamo baaritaano ka wada garaashyo qaraxyo lagu diyaariyo oo ku yaalla Muqdisho

aan Garaashyada Gawaarida lagu xareeyo,iyada oo looga shakiyey in ay ku jiraan Gawaari qaraxyo lagu diyaariyay.

Shalay ayay ciidamadu bilaabeen baaritaanada,waxana haatan ay wadaan Maalintii labaad,sida ay Dalsan u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda majirto Gawaari ay heleen,waxana Maalintii labaad ay ciidamadu wadaan baaritaanada Garaashyada ku yaalla degmada Xamar Jajab,waxaana Saraakiishu ay sheegeen in baaritaanada ay ka sameyn doonaan garaashyada ku yaalla dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Baaritaanada Garaashyada ay Ciidamada Miina Baarka Booliska Soomaliya ku sameynayaan ayaa la sheegay in ay tahay mid looga hortagayo in ay weeraro kale ka dhacay Gudaha Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.