Taliye Jaamac “Wax Badan Ayaa Laga Qabtay Amniga Galkacyo”

Taliyaha Ciidamada Booliiska isku dhafka gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed oo u wararmay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in wax badan laga qabtay amniga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Taliye Jaamac ayaa tilmaamay in maalmihii ugu dambeeyay ay Ciidamada Booliisku u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan Rag falal liddi ku ah amniga ka geysan jiray gudaha magaaladaasi.

Waxaana uu intaasi ku daray in haatan ay ku raadjoogaan dad kale oo uu sheegay in weli ay ku howlanyihiin falal amaan dari oo ka dhaca M/ Gaalkacyo ee xarunta G/ Mudug.

Muddooyinkii dambe ammaanka Gaalkacyo ayaa ahaa mid wanaagsan, iyadoona Ciidamada amnigu ay ka wadeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi.