Guddiga Difaaca ee BFS oo sheegay in Maxkamad la soo taagayo saraakiil ciidan

Guddiga difaaca ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maxkamad la soo taagayo sharcigana la waafajinayo saraakiishii ku lug lahayd kufsiga iyo tacadiga ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in shacab fara badan lagu dhibaateeyay gobolka Shabeellaha Hoose iyaga oo ku safraya sidaasi darteedna loo baahan yahay in la helo cid qaadata Masuuliyadaas oo loo maxkamadeeyo.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah Guddiga difaaca ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ayaa sheegay in guddigooda uu ka shaqeynayo furista wadooyinka xeran ee gobolka Sh/hoose.