Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa howlgal ballaaran haatan ka wada degaanka Baar-sanguuni iyo nawaaxigiisa oo Saakay Weerar culus ku qaadeen Maleeshiyadka Al-Shabaab sidda lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ayaa weerarka ku bilowday 2 gaari oo qaraxyo ah ku qaadeen degaanka Baar-sanguuni oo ay fariisimo ku lahaayeen Ciidamada dowladda, balse ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa iska difaacay weerarkaasi.
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isxaaq Cali ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in Ciidanka Xoogga dalka oo ka feejignaa Weerarada Al-Shabaab ay halkaasi ku toogteen ilaa 87 ka tirsanaa raggii Weerarka soo qaaday.
Al-Shabaab waxa ay dhankooda ay sheegtay inay dileen ku dhawaad 27 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay weerarada qaadaan aroortii hore, xerada Baar-Sanguuni bishii June ee sanadkan ayaa weerar Shabaab ay qaadeen ku dilay askari Mareykan ah.