Ciidamo La Geeyey Deegaano Ay Ka Soo Weerar Tagaan Al-Shabaab

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa marka hore  ka hadlay weerar madaafiic ah oo shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ay ku qaadeen dekkada Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Cabdifiraax in Ciidanka AMISOM ee halkaasi ku sugan ay is ka caabiyeen Shabaabkii weerarka madiifiic ah soo qaatay,islamarkaana sheegay in goobaha Al Shabaab ee weerarka kaga soo qaadan agagaarka dekedda Baraawe la geyn doono Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa AMISOM.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifiraax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in mararka qaar al shabaab ay weerarkan oo kale  ay ku soo qaadaan dekada Baraawe iyo gudaha Degmada, waxa ayna iska caabin xoggan kala kulaan Ciidanka dowlada soomaaliya ee sugu degmada Baraawe iyo kuwa nabad ilaalinta ee  Soomaaliya u jooga ee AMISOM.

Weli sirasmia ah uma sheegin halka Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose u qorsheysan in ay geeyaan Ciidamadaas si ay uga hortagaan weeraarda uga imaanaya Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku soo qaada fariisinka Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Gobolada dalka,iyadoona weerardaasi geystaan khasaarooyin kala duwan.