Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyay furnaanshaha waddooyinka Muqdisho

Gaadiidleyda Gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Gaadiidka Xamuulka ah ayaa soo dhaweeyay tallaabada madaxweynaha uu dib ugu furay waddooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Darawaladani oo u warramayay warbaahinta ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsan yihiin tallaabadaasi islamarkaana ay dhibaato weyn ku qabeen xirnaanshaha waddooyinkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhawaan soo saaray amar dib loogu furayo waddooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay xireen Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.