Saldhigyo Al Shabaab Ay Ku Leeyihiin Gobolka Shabeelaha Hoose oo la burburiyay

Sida lagu baahiyay wakaalada wararka u faafisa dowladda soomaaliya ee Sonna Ciidammada Xoogga dalka  ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan raggii Al-shabaab Qaraxyada ugu diyaarinayey gobolka Shabeellaha Hoose kaddib weerar ay ku qaadeen raggaasi.

Ciidammada Xoogga dalka ayaa qaadey weerar qorsheysan oo ka dhacay dhowr saldhig oo ay Al-shabaab ku lahaayeen dhulka Hawdka ah ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“waxaa la burburiyey saddex Saldhig oo ku diyaarin jireen Qaraxyada, waxaan gacanta lagu dhignay koox Qaraxyada Qaabilsaneyd oo  hadda ku jira gacanta ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed,  howlgalka waxaa fuliyey ururka 15-aad ee qeybta 12-ka April” waxaa sidaas yiri  Gaashaanle sare Maxamed Maxamuud Guutaale oo ah taliyaha qeybtaas.

Ciidammada Xoogga dalka  oo ay kaabayaan saaxiibbada Mareykanka ayaa sii kor dhiyay beegsiga saldhigyada iyo masuulyiintaAl-shabaaba ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose iyo Gobolada kale ee Dalka.