Muxuu ku saabsen yahay Shirka Kooxda TPLF uga Socda magaalada Maqale

Ururka TPLF oo 27-sanee ugu danbaysay hogaaminayey talada wadanka Itoobiya.

Shirkan kooxa Qawmiyada Tigreega ee TPLF soo agaasintay oo bilowday 18-kii bishan July socona doona ilaa 23-ka bishan ayaan la ogayn Go’aamada ay soo saari doonyo Xisbiga hogaamiya Qawmiyada Tigreega.

waxaase la saadaalinayaa inay dhaleecayn doonaan talaabooyinka Abiye Ahmed uu qaaday gaar ahaan magalada baadhame oo dalka Eritrea loo celinayo.

Xaalada isbadalka Dalka itoobiya ayaa ah mid wax walba laga filan karo.

Waxaa la saadaalinayaa in dagaal dhiig badan ku daato uu dhex maridoono Qawmiyadaha wada dega dalka itoobiya .

taas oo sabab looga dhigayo Nacaybka ay ku dhex abuureen waqtigii talada ay hayeen Kooxda TPLF.

Danjire Mahamed Caalim