Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Xaafadda Foorinlow

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley oo soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay oo aheyd Xaafadda Foorinlow ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 2 qof oo uu mid ka mid ah ahaa Askari ka tirsan Ciidamada dowladda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaasi uu ka badbaaday sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kaas oo la sheegay in lagu magacaabo Cabdi Shooshow.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen illaa 6 Qof oo ka tirsanaa maamulka G/ Banaadir, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Waa qaraxii labaad oo isla maanta ka dhaca M/ Muqdisho, iyadoona saakay qarax gaari uu ka dhacay gudaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya.