Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka K/ Afrika

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay Muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaasi.

Muwaadinkaasi oo lagu Magacaabi jiray Xuseen Barrow Maxamed ayaa la sheegay in Kooxo Burcad ah ay ku dileen goob Ganacsi oo uu ku lahaa M/ Pretoria ee dalkaasi.

Kooxda dilka geysatay oo aheyd Burcad Koonfur Afrikaan ahayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska K/ Afrika ayaa goobta gaaray, kuwaas baaritaano ka sameeyay halkaasi, inkastoo aysan jirin cid ay ku soo qabteen howlgalladaasi

Toddobaadkii hore ayey aheyd markii Muwaadin Soomaaliyeed oo ku Ganacsanayay Koonfur Afrika lagu dilay gudaha dlakaasi.