Midowga Africa oo Soo Bandhigay Qorshihii ay Ciidankooda Kala Bixi Lahaayeen Soomalia

Midowga Afrika ayaa waxa ay sheegeen in ay bilaabayaan hanaanka ay ku doonayaan in ay ciidamadooda kala baxaan soomaaaliya sanadaha soo aadan si amaanka guud ee soomaaliya ay si wanagsan masuuliyadiisa u qaadi lahaayeen ciidamada dowlada soomaaliya.
Hadalkan kasoo baxay midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay sii laba jibaari doonaan taageerada dhanka tababarka ee la siinayo ciidamada iyadoona qorshahooda uu yahay in misha December ee sanada 2020 ka ay qorshenayaan in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa Amisom ee nabad ilaalinta u jooga soomaaliya.
Dalka Kenya ayaa ciidamo ugu deeqay midowga Africa ee amisom ee ku sugan dalka 14 kii bishii October ee sanadii 2011 kii si ay qeyb kaga noqdaan dadaalada la doonayo in lagu taageero xukuumada soomaaliya gaar ahaan dagaalka kadhanka ka ah Alshabaab.
Dhinaca kale Uganda oo qeyb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan soomaaliya ayaa kolhore waxa ay qeyb kamid ah ciidamadeeda kala baxeen soomaaliya kadib markii la sheegay in uu soo idlaaday waqtigii ay ku joogeen Gudaha soomaaliya.
Inka badan 20,000 oo askari ayaa ku sugan soomaaliya kuwaa oo ka kala socda Dalalka Burundi, Djibouti, Kenya, Uganda, Ethiopia, oo qaar kamid ah dalalkaasi ay sanadii 2007-dii ay ciidan usoo direen dalka sidii ay dowlada soomaaliya kaga taageeri lahaayeen dagaalka kadhanka ah xarakada Alshabaab.