Wariye Yoonis Cali Nuur oo ku geeriyooday London iyo Maamulka Somaliweyn oo Tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed…

Waxaa xalay Magaalada London rr dalkaIngiriiska ku geeriyooday Allaha u naxariistee Wariye Yoonis Cali Nuur oo mudo in ka badan 30-sano la soo shaqeeynayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Yoonis Cali Nuur uu ka mid ahaa wariyaasha Rug cadaaga ah ee Soomaaliyeed ayaa xiliyadii dambe wuxuu ku noolaa magaalada Hargeysa ee Soomaaliland Xaalad Cafimaad daro darteed ayaa Allaha u naxariistee Yoonis Cali Nuur loogu qaaday magaalada London, sida ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, oo in muddo uu ka tirsanaa.

Wariye Yoonis Cali Nuur ayaa waxaa la sheegay in hada la taliye uu u ahaa Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Soomaaliland, Alaha u naxariistee Yoonis Cali Nuur ayaa waxaa ka soo shaqeeyay Radio muqdisho xiligii 1970-kii qiyaastii,isagoona kadib ku biiray Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Dhanka kale Wariye Yoonis Cali Nuur ayaa ahaa macalin tababaray Saxafiyiin fara badan oo aan anigu ka mid ahaa, iyadoo Tababarkaasi ay bixinaysay Idaacadda BBC-da, waxaana lagu qaban jiray Gobolada dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii laga bilaabo aniga oo ah MaxamuudAxmed Xasan (Xuurshe) iyo Dhamaan maamulka Websetka Somaliweyn.com waxaan tacsi u diraynaa Ehaladii,Qaraabadii uu ka geeriyooday Rug Cadaagaas Saxaaafadeed iyo Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana Alle uga baryaynaa inuu u naxariisto Aamiin Aamiin.