Mareykanka oo si buuxda Liiska Argagaxisada ugu daray kooxda la magac baxday Jamacatul Al-Hijra.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka maalinimadii shalay oo Khamiis ahayd si buuxda liiska Argagixisada ugu dartay kooxda Jamaactu Al Hijra oo la sheegay inay ka hawlgasho Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana ay xiriir u dhow la leedahay Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in isbadal badan lagu sameeyay jadwalka ay ku jirtay maleeshiyada Al-Shabaab oo Soomaaliya u qaabilsan ururka Al Qaacidda, iyadoona wasaarada qoraalkeeda ku sheegtay inay balaarisay in liiska Argagixisada ku soo dartay ururka Jaamacatu Al-Hijra.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxda Al Hijra la asaasay sanadkii 2008-dii waxaana lagu dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya,iyadoo sheegtay wasaarada inay tahay xubin Al-Shabaab ee u qaabilsan dalka Kenya.

Warkaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo aad u dheeraa ayaa lagu sheegay in Ururka Jaamacatu Al-Hijra inay gacan ka geysatay askareynta xubnaha Shabaab ku biiraya, waxayna fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu safraan Kenya.