Maqaal: Dawlada faderaalku Ma alshabaab ayey isku badeshey?

Sirtii Qarranka ayaa banaanka daadsan. Waxaa meeja iiga muuqata fadeexaad in sawiro laga qaado. Xafiisyada ciidanka NISA.

Arinkan wuxuu marqaati ka yahay in dawlada Faderaalka ay ku dhex mil meen koox Al-shabaab Fikir kooda aaminsan.

Xafiiska Taliye ku xigeenka NISA Cabdalla oo sirtii taalay qeybna la qaatey qeybna la burburiyey ayaa Wuxuu ku dhex yaalla xarunta NISA ee Gurigii hore ee Hooya Khadiija oo hada ah xarunts dhexe ee ciidanka sirta Waranka ee NISA.

Fadeexadan ayey saraakiisha NISA ku tilmaameen mid aan hore loogu arag taariikhda Hay’adda Nabadsugidda Qaranka, ayna tahay ficil xun oo ah Danbi qaran.

Sow in wax la iska waydiiyo maaha maxaa qasbay in Fadeexadan dhacdo oo sirta dawlada in sawiro laga qaado

Taliye ku xigeen waa la eedeen karaa in uu xilkiisa si qaldan u isticmaalay waxaa lagu sameeyeeyey shaqo joojin. intaa ayaa ah wax sharcigu qabo.

Ee bur burinta xafiisyada Hay’ada NISA? Waa ujeedo kale sow ma oran karno arinkan waa bur burinta Sirta dawlada Faderaalka oo si ula kac ah loo sameeyey.

Cidkasta oo amartey ficilkan fadeexada ah waa in gudi heer baarlamaan iyo heer xukumad loo saaraa. Dawlada Faderaalka lama aamini karo hadey arinkan ka aamusto. Sidii fadeexadee Qalbi dhagax oo kale.
si loo ogaado xaqiiqda dhabta ee ah yaa amarkan bixiyey.

In dawlada Faderaalka la fadeexeeyo sirteedii Qaran sawiro laga qaado lana bur buriyo wixii keydka ugu jiray. Xafiis yadeeda NISA. Maaha wax si fudud looga aamusi karo.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in Agaasimaha NISA uu lahaa amarka lagu galay xafiiska ku xigeenkiisa koowaad,

Amarkan oo ah fadeexad Dusha kasaaran Madaxda Dawlada Faderaalka ugu saraysa.

Danjire Mahamed Caalim