Xiisada Dagaal Oo Ka Taagan G/Shabeellaha Dhexe Iyo Bakarac Ka Bilaawday

Barakacan ka bilowday Degmada Cadale G/Shabeellaha Dhexe ayaa waxa uu yimid kadib markii halkaasi ay ku dagaalameen Beello wada dega Degmada Cadale G/Shabeellaha Dhexe ,islamarnaa dhowr jeer oo hore la isku dayay in waan waan la dhexdhigo.

Qof kamid ah dadka deegaanka Degmada Cadale ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in dagaal Beeleedkii ka dhacay halkaasi uu saameyn ku yeeshay dadka ku nool Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana hada xaalada ay tahay mid degan.

Dhanka kale warark laga helayo ayaa waxa ay sheegayan in tuulooyinka hoos yimaada Cadalle ay ku dagaalameen Al Shabaab iyo dadka shacabka,markii dambane Al shabaab ay qabsadeen goobihii lagu dagaalamay, iyagoona halkaasi ka qaatay xoolo.