Wasaaradda Ganacsiga Oo Shir Hor Dhac U Ah Iskaashiga Ganacsi ee Soomaaliya iyo Finland…

Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha oo wada dedaalkeeda iridaha loogu furayey Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya ayaa maanta furtay Magaalada Brussels kulan loogu diyaargaroobayey Iskaashiga Ganacsi ee Soomaaliya iyo Finland oo Helsinki ka dhici doona 25 ilaa 26 Jully 2018

Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah Horumarrada iyo Isbedellada ku yimid Wasaaradda Gaanacsiga tan iyo markii Wasaaraddaasi loo Magacaabay Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye..

Wasiir Maareeye ayaa mudada kooban ee xilka Wasaaraddaan uu haayo Heshiisyo Iskaashi ah la soo sameeyay qaar ka mid ah dalalka Caalamka ee horumaray.

Waxaana iminka uu dadaal ba’an ugu jiraa sidii uu dalka ugu soo jiidi lahaa Malgashiyo Caalami ah taas oo kor u qaadeysa dhaq dhaaqyada Ganacsi iyo Kobaca Dhaqaale ee dalka intaba.