Madaxweyne Daacad u ah dalkeeda iyo dadkeeda

Waxa ay iibisay diyaaraddii gaarka aheyd ee madaxda lagu qaadi jiray.

Waxa ay iibisay 35 baabuur oo nooca Mercedes Benz loo yaqaano ah kuwaa oo lagu qaadi jiray waziirada, lacagihii kasoo baxayna waxa ay ku celisay qasnaddii dowladda.

Mushaarkeeda ayey hoos u dhigtay 30% si ula mid noqoto mushaarka ay dadka caadiga qaataan.

Waxa ay ka saartay sareyntii iyo xeyndaabka diblumaasiga ah ee madaxdu sameeyeen.

Waxa ay iibisiay dhulal safaarado iyo hanti ay dowladdu ku laheyd dalalka dibadda si ay lacagta adag ugu soo celiso dalka.

Marka ay dibadda u safreyso waxa ay raacdaa duulimaadyada caadiga ah.

Dadkeeda ayaa ay ugu qudbeysay in aynan weligood lacag amaahan doonin Bangiga Aduunka xittaa hadii ay baahi u dhimnayaan.

Waxa ay canshuurta ka dhaaftay dadka dakhligoodu yaryahay.

Waxa ay la dagaalanray dhammaan noocyada musuqa.

Dalkeeda oo dhowaan kasoo baxay dagaal sokeeye ayey ka dhigtay dal kamid ah dalalka soo koraya.

Waxa ay u safartay Ruushka si ay u dhiiri geliso xulkooda Qaranka.

Markii ay gaartay Sutshi waxa ay diiday in ay fariisato meesha ay fariistaan madaxda waxa ayna doorbiday in ay jamaahiirta dhex fadhiisato.

Hal mar oo uu ku adkeeyay Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Midvediv ayey fariisatay Zone-ka ay madaxdu ka fariistaan garoonka.

Markii ay Xulkeedii ka badiyeen Ruushka Semi-final-kii ciyaaraha aduunka waxa ay la dabaal degtay ciyaariyahanada xulka Qaranka.

Sheekadeeda aad ayey u dheertahay Waa madaxweynaha Croatia Kolinda Grabar-Kitarović.

Waa gabadh malaayiin rag ah u dhiganta kuwaa oo calaashooda ka doorbiday dalkooda.

Midnimo Förening Trollhättan