Banaadir Oo Sameystay Dallad Ku Matasha Bulshada Rayidka looguna magac daray Bansan

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin isugu jira wasiiro, xildhibaano, culuma udiin dhalinyaro, haween iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay Dallad ururada bulshada rayidka ah ku matasha gobolka Banaadir.

Hal ku dhiga Dalladan ayaan loogu magac daray Nabad iyo Nolol waxaa lagu gaari karaa iskaashi, iyadoona Dalladan ay qeyb ka noqoneyso Dallado ku matala ururada bulshada rayidka ah maamul goboleedyada dalka, xilli maamulka gobolka Banaadir uusan horay u laheyn Dalladan oo kale ee u dooda xuquuqda ka maqan bulshada gobolka Banaadir.

Ugu horreyn waxaa ka warbixiyay u jeedka Dalladan guddoomiyaha Bansan oo laga soo gaabiyay Dallada daneeyayaasha aan dowliga aheyn ee Banaadir Mudane C/laahi Xasan, kaas oo hoosta ka xariiqay in waqti dheer ay ka shaqeynayeen aas aaska Dalladan.

Dhinaciisa wasiirkii hore ee Wasaaradda howlaha guud Mudane Saalax Sheekh Muuse oo isna ka hadlay kulanka ayaa ku booriyay Dalladan Bansan in siyaasada ka sokow ay ku mashquulaan nabaad guurka dhirta iyo xayawanaadka, maadaan xaalufin ba’an lagu hayo dhirta Soomaaliya.

Ugu dambeyn guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga Salaad Cali Jelle ayaa soo dhaweeyay dhismaha Dalladan hal ku dhigeedu yahay Nabad iyo Nolol waxaa lagu gaari karaa iskaashi, looguna magac daray Bansan, isagoona tilmaamay in uu aamin san yahay in ay wax ka qaban doonto arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir, waxbrashada, caafimaadka, faaya dhowrka iyo wixii la halmaala.

Waa markii ugu horreysay oo ee gobolka Banaadir uu yeeshu Dallad matasha bulshada ku nool Caasimadda dalka ee Muqdisho, marka loo eego dhammaan maamul goboleedyada oo horay u sameystay.