Xoosh Jibriil “waxaa bilaabi doona diwaangelinta Codbixiyeyaasha 2020-ka.”

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dastuurka Soomaaliya oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay in ay hada wadaan qorsho cusub oo lagu hormarinayo dastuurka iyo doorashooyinka oo xiligan meel wanaagsan marayaan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in maal maha soo socda la dhameystiri doono dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, isagoona sheegay in dhawaan la bilaabi doona diwaangelinta Codbixiyeyaasha 2020-ka.

Waxaa uu sheegay wasiirka dastuurka in dhawaan Guddiga doorashooyinka qaranka in ay qaadi doonaan tilaabadaasi, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in doorasho qof iyo Cod ah ay Soomaaliya ka dhacdo.