Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo  kula kulmay xubno ka socday dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka kulan gaar ah kula qaatay xubno ka socday Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka.
Axmed Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan Jubbaland ka mid ah wafdiga ka qeyb galaya shirka magaalada Brussels ee looga hadlayo arrimaha Somaliya, ayna ka qeyb galayaan Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha oo Madaxda maamul goboleedyada ay qeyb ka yihiin.
Kulanka oo ahaa mid socday saacad iyo wax ka badan ayaa waxaa looga hadlay diiradana lagu saaray xoojinta la dagaalanka Ururka Al Shabaab iyo gaarsiinta adeegyada muhiimka ah degaanada laga saaray Shabaab.


Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdigii kala yimid magaalada Kismaayo ee ka qeyb galaya shirka ayaa shalay ka baxay kulanka, sababo ku aadan cabasho ay qabeen, dadaalo badan kadib waxaa lagu qanciyay inay ku laabtaan shirka.
Inta uu Madaxweyne (Axmed Maodobe) ku sugan yahay magaalada magaalada Brussels ayaa waxa uu la kulmi doonaa jaaliyadda Jubbaland ee ku ku nool dalka Belgium-ka, si uu ugaga warbixiyo xaalada degaanada Jubbaland.