Taliyaha NISA iyo Kheyre oo is aflagaadeeyey

Shirkii shalay looga hadlayey amniga caasimada ayaa waxaa ka dhashay isqabqabsi aad u blaaran ka dib markii Kheyre u soo jeediyey heyadaha amniga dhaliil culus kana dalbaday jawaab degdeg ah. Taliyaha NISA Hussein Aloolkuus ayaa si adag ugu jawaabey Kheyre oo ku yiri: “Dadkii Somaliyeed jidadkii ayaa laga xiray si dhaqaalaha amniga lagu ilaalin lahaa akoono loogu shubto, intii aad qaadantee maahee waxii yaraa ee haraeyna ina adeerkaa Yahye ayaad u dhiibatey, maxaa mas’uuliyad ah ood anaga noo dhiibtey, orod oo weydii Akoonkaaga iyo Yahye waxa amnigii ku dhacay.

Waxaa sidoo kale isna furka tuurtay, wasiirka Amniga Ducaale oo Kheyre u sheegay in dadka Muqdisho dhiban yihiin sidaana aan lagu sii wadi karin, loona baahan yahay in heyadaha amniga dhaqaalahooda aan la leexsan ee dadka jidadka loo furo amnigoodana la adkeeyo.

Arintii ayaa cirka isku shareertay waxayna hada gaartey Farmaajo waxa uu yeeli doonana lama oga. Waxay u badan tahay in sida Kheyre rabo uu ku taco oo la ergo qof walba oo damca in uu wax saxo.