Puntland oo walaac ka muujisay xayiraada saaran Xujeyda Soomaaliyeed

Guddoomiyaha guddiga Dastuurka iyo arrimaha Diinta ee Baarlamaanka maamulka Puntland Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta ayaa walaac xoogan ka muujiyay xayiraada dhinaca duulimaadka ee weli saaran Xujeyda Soomaaliyeed.

Ugu horreyn guddoomiyaha guddiga Dastuurka iyo arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Puntland ayaa ka dalbaday madaxda dowladda Soomaaliya in arrintan si deg deg ah ay wax uga qabataan.a

Waxaana uu dhinaca kale uga mahacadceliyay dowladda qiima dhimista sanadkan ay ku sameysay qarashaadka ku baxa Xajka.

Walaaca maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan xilka laga qaaday Wasiirka diinta iyo owqaafta Dowladda Federaalka Soomaaliya arrimo la xariira muran ku saabsan xajka.