Midowga Afrika oo Tababar Siinaysa Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ..

Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay dowladda soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii tababar xoogan loo siin lahaa Saraakiisha Ciidamada wadooyinka gaar ahaan kuwa tarafikada si loo xakameeyo isku dhaxyaaca wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Christine Alalo, gudoomiyaha ciidamada Police ka Amisom ayaa sheegay in ay soo gaba gabeyeen tababar soconayay mudo 10 maalin ah islamaarkaana ugaar ah ciidamada Policeka Taraafikada sidii sare loogu qaadi lahaa dhanka qibrada ee hagida gawaarida

Shirkan oo ay kaqeyb galeen saraakiil iyo xubno muhiim ah oo katirsan dowlada soomaaliya ayaa Amisom waxaaa ay ubalan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa ciidan tayeysan oo sanadaha soo aadan kafaala qaada kara Amniga guud ee soomaaliya.

Dhinaca kale Mr Alalo ayaa carabaabay in saraakiil ka socda guud ahaan maamul goboleedyada dalka qorshahoodu uu yahay sidii ay usiin lahaayeen tababar dhanka hagista wadooyinka maadaama burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya uu jiray isku dhaxyaac dhanka hagista wadooyinka.

Inka badan 20,000 oo askari oo ka kala socda dalalka Uganda, Kenya, Djibouti, iyo Wadamo kale ayaa kusugan soomaaliya kuwaa oo dowlada kataageeraya ladagaalanka Alshabab.