KUWA DALKOODA KHIYAAMEEYAY OO SOOMAALIYA KA GUULAYSATAY

Waxaa kamid ah qaababkii cadawga shisheeye inoo dhagray,arimahan soo socda.Ugu horayn waxaan jeclahay in aynu isla fahano waxaynu ka hadlaynaa waa wax dhacay oo dhab ah jira oo hada socda,waana taariikh aan marayno,sidaa daraadeed shaqsi iyo beel hadafkeenu maha.Maxaa yeelay waxaan abaaraynaa cadaynta waxa inaga xumaaday hada iyo mar horaba,waxaan sheegayna runta iyo xaqa si dalkeena iyo dadkeenu u helo nabad xal dawladnimo iyo soomaalinimo,taasoo rabbina inagu jecel yahay.

Shaqsi iyo beel xumaan ay sameeyeen oo taariikhi ah nina dabool masaari karo aqoonta iyo taariikhdaana diidaysa.Aadamuhu waxa uu hormar gaaraa markuu aqbalo runta kuna qotomiyo noloshiisa.intaas hadaan ka gudbo.Dalkeenu markuu burburay oo ah kolkii caasimadii dalka oo ahayd xarunta dhexe ee dalka laga maamulaayay,dawladuna fadhiday lagu kala yaacay ee dawladii xukunkii gacanteeda kabaxay sibuuxda,xiligaa oo ahaa 1991.

Markiiba shisheeye cadaw ah oo dawlado ah,ayaa ka faa iidaystay burburkeenii,markii hubkii dawlada uu gacanta u galay caruur dad shacab ah iyo jab hado aan hadaf lahayn hororka mooyaane.Dalkeena majirin sida dawladaha iyo dalalka qaarkood ka dhacday,xisbi ama jabahad markay dawladii riday la timid badalkeeda oo ah in dalku noqon fawdo iyo is dhex yaac taasoo la haleelo markii dal kusoo dhaco MAQNAANSHO DAWLO.

Islaan la kufsado oo safdheer ragu soogalo,guri jiingadii iyo daaqadihii laga fiiqdo,maato la xasuuqo iyo maasaajid muminka lagu dhex gawraco wax ku mashquulsan mooyee maynaan arag wax iswaydiiyay dawladnimo.Maadaama aynu khaldanay talana halkaa inga martay oo kasmadeenii sidaa noqotay maxaa dhacay weeye?

Shisheeyihii inoo ciilka qabay oo ah dawlado afrikaan ah oo dariskeena ah iyo kuwo carbeed oo garab ka helaya dawladaha ay ku tiirsan yihiin ee reer galbeedka ama yurubta,ayaa dalkeena markiiba soo galiyay maleeshiyaad ay hubeeyeen iyo lacag lagu kala iibsado dadkeena soomaaliyeed ee walaalaha ah.Dalkeena waxaa laga soo galay Gobolada waqooyi oo ah xarunta uu gumaysigu ka dhigtay saldhiga uugu wayn ee dalka soomaaliya laga dumiyo.

Niman siyaasiyiin ah ayaa loo dhiibay mashruuc ah in ay ku dhawaaqaan dadkana uugu yeeraan in ay ka go`ayaan soomaalida MOGDISHO ama koonfureed. way ku dhawaaqeen 1991 dii arinkaa kala goyanta soomaaliya.Markii intaa laga helay ayaa loo dhiibay qandaraas cusub oo ah in ay ka shaqeeyaan beelaha koonfureed dhexdooda in uu san dhalan wax isfaham ah gaar ahaan beelaha walalaha ah ee daarood iyo hawiye,maxaayeelay haday isfahmaan waxay suura galin karaan in ay dib usoo celiyaan dawladnimadii,haday taasi dhacdana waxaad waa yay saan aqoonsi ah in aad noqotaan dawlad SOMALILAND oo madaxbanaan.

Waxay Hargaysa uugu yeereen saraakiil iyo siyaasiyiin beesha habargidir ah oo Galaal hogaaminaayo oo hub iyo lacag lasiiyay loona xil saaray in ay amaanka khalkhal galiyaan,mogdishana ka dhigaan meel dadka lagu qasho.maleeshiyaad hubaysan oo beelaha isaaq ayaa dhib aan loo baah nayn in laga sheekeeyo u gaystay beelo gaara oo mogdisho kusugnaa.

Isbadalkii ethiopia ee tigreegu qabsaday waxay soomaali u ahayd guuldaro cad iyo dhib aad uwayn.waxay majaraha u qabteen Dabadhilifyo Hargaysa fadhiya oo ay hoos keeneen rag gaara oo kamid ah beesha habargidir isku xirkaan oo hadafkiisu ahaa in aan mogidisho dagin laakiin nasiib daro beelaha koonfur iska fahmi waayeen inbadan.

Mogdisho beelihii ku haray ayay hadana ka dhex shaqeeyeen oo fuliyeen shaqadii mid lamid ah ayadoo dadkii walaalaha ahaa ee beelaha hawiye iska horgeeyay. lacagta iyo hubkana laga soo daabulo hargaysa. waxaa keenaya inay sidan yeelaan waa dad gumaysigu ka xaday caqligii oo u adeegaya oo kaliya inay helaan lacag,iyo marka la aqoonsado inay madax ka noqdaan SOMALILAND waa siday la tahay ee.

Marsadexaad waxaa koonfur loo soo rararay niman afduuban iyo maleeshiyaad aad u hubaysan oo kayimid waqooyi waxaana watay goden.waxayna koonfur ka hor istaageen in dawladi dhalato iyagu waa is ogyihiin in aysan dawlad helayn.waxay markale halaageen dadkii koonfur.

Siyaasiyiin reer waqooyi ah oo ah beesha isaaq iyo kuwo yar oo ah habargidir maha haweye waa beesha habargidir rag kamid ah ayaa haysta mashruuca ah in dalka laga ilaaliyo in dawlad soomaaliyeed ka hana qaado.waxaase hada umadii soomaaliyeed u cadaatay dhagarta gumaystaha iyo kuwa u adeegaya.

Tigreega waxa uu udiray rag isaaqa qabashadii qalbi dhagax iyaguna waxay hawl galiyeen rag habargidir ah hadafkii ahaa in dawlada soomaaliyeed iyo shacabka lagu kala fogeeyo meesha waa kabaxay oo dhagartii waa fashilantay dadkuna waa fahmeen hadana qalbi dhagax waa joogaa isagoo fayoow.

Ragii dhiibay qalbi dhagax oo uu hogaaminayo ina cumar carte iyo cabdishakuur iyo fiqi ayaa wali tigreegii sii adeegsanayaa oo hawl u diray ah in sumcada laga xumeeyo qalbi dhagax lagana horkeeno dawlada soomaaliya iyo ethiopia oo hada yeeshay xiriir wanaagsan maadaama ethiopia uu qabsaday nin cusub watana siyaasad cusub.

Waa la ogyahay lacagta loo soo dhigay xawaalada ee ka timid soomaaliland, waana la ogyahay ciday u shaqeeyaan iyagoo iska dhigaya in ay dawlada soomaaliya mucaarad ku yihiin.

Waxaa guul ah in beelaha hawiye guud ahaan gaar ahaan habargidir iyo guud ahaan beelaha daarood ay fahmeen waxay dalkooda uga dhisan waayeen dawlad hanata. waxay fahmeen waxa ka khaldan iyo cida ku dhex jirta tani waxay keentay in maanta MOGDISHO nabad tahay soomaaliyana guulaysatay.

Markaan beelaha ka sheekaynayo uma jeedo in aan qaar libin siinayo uma jeedo aan qaar gooni u caadinaayo ama u cayr sanayo ma xiisaynayo qabyaalada iyo qabiilka aad halay fahmo, waxaan doonaya xaqa iyo runta jirta waxaana aamin sahanahay in isaaq iyo habar gidir iyo daarood iyo beelaha soomaaliyeed oo dhan ay ku jiraan dad aad u wanaagsan soomaali ah jecel dadka iyo dalka iyo dawladnimada soomaaliyeed, kuwo xumina jiraan kolkaa waxaa weeye aan iska qabano dadka xun oo aan ku mintidno dawladnimadeena soomaali nimadeena iyadaa nagu filan.

intaan nimankaa ka sheegay haday beentahay ama aan ku xad gudbay diyaar baan u ahay aan garbaxo runta in aan isu sheegno danteena ku jirta wada jirkeena ku jira dawladnimadeena ku jirta.

Adeer beelaha soomaaliyeed nin leh waan ka goostay oo dawlad gaara raadinayaa in uu nagu dhex jiro oo taayadii naga qaso isna gooni naga yahay kayeeli mayno mana aqbalayno, waana halka qabyaalad oo dhami kasoo gashay soomaaliya maxaayeelay koonfur hadaanahay maba aanan aqoon qabiil iyo qabyaalad iyaga ka hor.

Yusuf Cumar

mashruuc5@hotmail.com