Daahir Ciiro “Xarunta Xalane ayaa Laga Soo Abaabulaa Qaraxyadda Muqdisho

Siyaasi Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir Ciiro) ayaa ku eedeeyay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Xarunta Xalane in ay qeyb ka yihiin Nabadgalyo daradda ka jirta Magaaladda muqdisho.

Daahir Ciiro oo la hadlay idaacada Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in Xarunta xalane oo ay dagan yihiin Ciidamada AMISOM iyo Madax cadaan ah laga soo abaabulo qaraxyadda Magaaladda, islamarkaana loo baahan yahay Madaxda Dowlada Soomaliya ay Arinta Xalane si gaar ah u eegaan, ama Ciidamada AMISOM laga raro Xarunta.

Hadalka Siyaasi Daahir Ciiro marna soo noqday Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Magaaladda muqisho ay martigalisay qaraxyo iyo dagaal toos ahaa sabtidii aynu soo dhaafnay