Qarax gaari oo ka dhacay Kontoroolka laga galo Madaxtooyadda

Gaari laga buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa goor dhow ku qarxay Kontoroolka laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya ee ku yaalla Isgoyska Ceelgaabta meel u dhow beerta Beerta Nabadda.

Qaraxa ayaa dhacay ka dib dagaal toos oo dhexmaray Ciidamadii halkaasi ku sugnaa iyo dabley hubeysan.

Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hub culus, waxaana daqiiqo ka dib qarxay gaari halkaasi yaallay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.