Mas’uul xun iyo musiibo Alla nooma kulmiyo!!!=Nasashada Jimcaha. Q- 104aad=

1-Laba waalid ayaa ku heshiiyay in willkooda oo 12 jir ah ay qiimeeyaan , waxa ayna Miis u dul saareen Kitaab Quraan, miis kalena, Xirmo Lacag ah, iyo koob khamri ah.

Waxa ay ku tashadeen haddii uu kitaabka qaato, wadaad ayuu noqondoonaa, Lacagta haduu qaato Ganacsade ayuu noqon doonaa, Hadduu khamriga qaatana Rajo laga sugimaayo, Qolkiina waa ka bexeen.

Wiilkii ayaa yimid, waxa uu arkay Miisaskii oo Camiran, Kitaabkii ayuu garabka gashaday, Lacagtiina jeebka ayuu ku ritay, khamrigiina waa cabay.

Aabihii ayaa madaxa Qabsaday, oo yiri: waa waxaan ka baqayay, wiilkaanu waxa uu noqon Doonaa Xildhibaan.(Fiiri Sawirda 1 & 2aad)

(Meeqa siyaasi ayaad taqaan,oo dhaartii kitaabku aynan wax xumaan ah ka reebin, xalaal iyo xaaraan wada qaadanaya?)

2- koo Ciyaalka Xaafada ah ayaa Habeen ku Soo daahey daawashada Ciyaarta “world cup”, Albaabka Gurigisa ayuu gargaraacay si ay Xaaskiisu uga furto Albaabka, weyna diiday iney ka furto.

Markuu garaacidii irida uu aad ugu daalay ayuu yiri: iga Fur waxaan kuu sidaa Ubax iyo Hadiyad aan ugu tallo galay Xaaska Dunida ugu raaliyeysan uguna Qurx badan. Markaa ayey inta faraxday ka furtay Albaabkii, kuna tiri: Aaween Ubixii iyo Hadiyadii aad ii waday?. Waxa uu ku yiri: Aawday Xaaskii quruxda iyo Raaliyanomada isku darsatay. ( F.S: 3aad)

( Shacabku Howl iyo Hanti huridba waa la diyaar, haddii kan gudaha ku jiro laga helo Hogaan wanaagsan iyo Horuumar Qaran ).

3-Hogaamiye ayaa dadkiisa ugu abaal sheegtay, in mudadii uu xukunka hayay uuna Daacuun dalka ka dhicin, Daacuunka oo marii hore fara kulul ku hayay dalka.

Oday dhageysanayay hogaamiyaha abaal sheegasadiisa ayaa yiri: Allah ayaa ku mahadsan oo Laba Musiibo hal mar aan noo kulmin, Daacuun iyo Adiga. (F.S: 4aad).

(Mas’uul xun iyo musiibo Alla nooma kulmiyo)

4-Juxaa ayaa dameer uu lahaa suuqa keenay si uu u iibiyo nin doonayay in uu gato dameerka ayaa qabtay seyntii Dameerka, markaasuu haraati ku jiiday, haddana wuxuu fiiriyay ilkihiisa makaasuu dameerkii qaniinay, ninkii oo xanuunsaday ayaa yiri “Juxaayoow cidna dameerkan kaama gadaneyso, Juxa ayaa u jawaabay oo yiri: “in ay cidi iga gadato uma keenin suuqa, ee markii horeba waxaan u keenay in leyla arko dhibka uu igu hayo aniga!!”.

( Aabe ayaa wiilkiisii uu qurbaha ka keenay waxaa uga soo dacwooday odayaashii Reer Boondheere , kuna yiraahdeen wiilkaan qaab darada u labisan ee aad dhaqan celinta u keenatay gabdhihii xaafada ayaa looga maarawaayay ee yaan busley, boor lagu cabsiin. Makaa ayuu kuyiri: dhaqan celin uma keenin ee dhibkiisa in la ila arko ayaan rabay). ( F.S: 5aad).

5- Farax ayaa loo Aqal keenay gabar qurux loogu tilmaamay, horena uuna u arag. Habeenkii ayuu arkay in gabarta ay fool-xumo ku goobatay. Subaxii markuu baxayay ayey ku tiri: Gacaliye Faaraxoow, Saaxiibadaa ii kala sheeg., kuwa aan iska asturayo si aynan quruxdeydu u soo jiidan iyo kuwa kale” Farax oo qoslaya ayaa ku yiri: kuligood ha iska asturin hadaad doonto, laakin aniga lee iska key astur, wajigana iga qarso). ( F.S: 6aad).

( koo shaqa doon ah oo Qurbaha ka yimid ayaa waxa uu soo degay Hotel Maleyka /Xamarweyne, waxa ayna isku barteen Macaani oo u shaqeya Wasaaradda Maaliyadda. Qurbaawigii ayaa ku yiri: Adeerkeey ayaa igu yiri: Shaqo ayaan ku siinayaa, ee wasaaradii aad doonto soo sheego, teen doontaa?. Macaani ayaa ku yiri: Tii aad doonto dalbo ee muguu teeyda lee ha soo dalban. Macaani, Muxuu ku arkay saaxiibkii?).

6- Oday marqaansan ayaa kaadiyo qabatay, wuxuu raadinayey luuq mugdi ah, si uu ugu kaadiyo. wuxuna horay u sii Qaatay tooshkisii oo shidan, odaygii wuxuu waayey Luuq mugdi ah sababta oo ah waxaa Daaran tooshkisa, markaa ayuu yiri: Dowlada hoose ee Xamar wareer badanaa!. luuq kasta waxay ku dhajisay Naal iftiin Badan, wuuna iska soo laabaty.

Subixii ayuu Face Book-giisa ku Qoray Maqaal cinwaankiisu ahaa, war Dibadda ka kaalaya Xamar waa wada iftiine.

( Dadka yaan la dhagrin, adinkuna FB-yada iska fiiriya).

FG: Asaxaabta FB-ga Reer Oslo- Norway waa idin Salaamay, waa noo berri iyo Maqaayada Shaaha Somalida.

Qore: Yahya Amir