MAQAAL: QALADAADKII QUDBADDII QALBI-DHAGAX.

Haddii aad uqaadatay in aan Qadiyadda Qalbi-dhagax qaadacayo isqabooji. Sidaa si lamid ah haddii aad dooneysid in aan qariyo qaladaadkii Qaban-qaabada kulankii Qalbi-dhagax iyo Qudbaddiisiiba Ka quuso.

Dhiibista iyo ugacan-galinta Dowladda Itoobiya Xubnaha katirsan Ururka (onlf), waxa ay aheyd arin jirtay muddo dheer, waxa ayna u aheyd Siyaasiyiinta Soomaalida wax loogu dhawaado Taliska Tikreega. Waxa ay noqotay arrin iska caadiya oo aan leysku caayin Dhiibista shaqsiyaadka Jabhaddaas.

Hasayeeshee qabashadii iyo dhiibistii Qalbi-dhagax waa ay kagadisneed kuwii ka horeeyay. Waxaana kadanbeeyay ujeedo siyaasadeed oo maldahan. Waxaana Dadbadan oo Soomaaliyeed oo ah Indheergarad ay u arkaan arintaan in lagu dhimayay Taageerada shacabku uhayaan xukuumadda (Nabad iyo Nolol) oo hanatay Taageerada shacabka, waxaana maamulka Itoobiya xabsiyada kasiidaayeen Maxaabiis Soomaaliyeed oo muddo dheer kuxirneyd xabsiyada dalkiisa, waxaana shaki laga muujiyay sababta Itoobiya ugudoonsiinweyday Xukuumadihii Soomaliyeed ee kahoreeyay Tan hadda. Waxaa iskacad in Xakuumadda Soomaaliya ay ku dhacday Dabin looqoolay.

Waxaa xusid mudan dhiibistii Qalbi-dhagax waxa ay noqotay boog laga damqiyo Golaha-Fulinta waxaa ay dirqi uga baxsadeen Mooshin Mucaadka Dowladda horboodayeen, sidookale Dibadbaxyo lagu dalbanayo siideyntiisa ayaa ruxay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Dhanka kale Itoobya ayaa iyadu kagaartay ujeedadeeda guracan.

Nasiib wanaag Qalbi-dhagax ayaa xuriyaddiisa dib uhelay isbadallo siyaasadeed oo kadhacay Dalka Itoobiya , Waxa uuna fagaare kala hadlay Bulsho kasoojeedda shanta Soomaaliyeed, Waxa uu qiray in uu yahay Muwaadin Soomaaliyeed uuna usoodagaalamay Qaranka Soomaamliya.

Lkn qudbaddiisa waxaa kamuuqatay qiiro qabiil,mid Urur iyo ciil uu uqabo Madaxda Qaranka, Halka uu ammaan kala duldhacay Abey Ahmed Ra`iisul Wasaaha Itoobiya oo isagu siidaayay, Waxa uu intaa kudaray in uu ahaa maxbuuskii (onlf) ee ugu danbeeyay ee lasiidaayo, waxa uuna sheegay in haddii ayjirto in siideyntiisa uu kuluglahaa Siyaasi Soomaliyeed uu ahaa Axmed Madoobe oo ay isxigaan dhalyo ahaan. isagoo aan soohadal qaadin Dadkii Soomaliyeed ee Kismaanyo kadhigay dibadbaxa ee uu xabsiga dhigay Axmed Madoobe. Sidoo kale kuma xusin qudbaddiisa Waziirkii puntland ee xilkiisa kuwaayay kahadalka xarigiisa.

Inkastuu sheegay inlasiidaayay dhammaan maxaabiista (onlf) hadana kama dhawaajin maamuladii soodhiibay oo ay Jubland kamid ahey.Qalbi-dhagax waxa uu huwanaa Calanka (onlf) waxaana Madasha lagu martiqaaday Mucaaradka Dowladda Soomaliya oo iyaguna loohuwiyay Isla-calankaas. Qabanqaabiyayaashu ma aysan qadarin Maqaamka Madasha ee waxaa kalaweynaaday Qabiilka.

Inkasatoo Qalbi-dhagax kadhawaajiyay in Nabadsugidda Soomaaliya ay gacanta kuheysay arikiisa hadana ma uusanxusin in Dowladda federaalka ay xilka kaqaaday Madaxa Nabad sugidda, Saaxada Siyaasaddana kasaartay kuluglahaanshaha xirigiisa awgeed, hadaba waxaa ii muuqda in Qalbi-dhagax uu yahay nin milatari ah siyaasadna aan shaqo-kulahayn, Taageerayaasha Urukiisana yihihiin kuwa jadbeysan.

Gunaanad, waxaa isweydiin mudan haddii uu Qalbi-dhagax badalo(Cabdi iley) sida uu uga dhaadhicinkaro shacabka Soomaali-galbeed in uu yahay qoortii labagarab udhaxeysa marka loo eego sida uu udhaqmay iyo sida uu isaga gadikaro isagoo wata magaca Ururkiisa , Ururkaas oo wata sumad Beel kamid ah Beelaha dega Dhulka Soomalida Itoobiya oo aaney lawadaagin Soomaali-galbeed inteeda kale. La arki doonee halka xaal kudanbeeyo.
Qore:-Cabdi Raxmaan Alruuxi.