MAQAAL: HANAAK AQOONSIGA BAASABOORKA IYO HEERARKA UU SOO MARAY

Burburki dowladdi dhexe 1991 wuxuu dalka biday burbur dhan walba ah, Baasaboorka soomaaliga ah oo ahaa mid dunida oo dhan laga aqoonsanyahay laguna tagi karo meelwalba, ayaa kamid ah waxyaabaha uu saameyay burburka, Kadib markii uu baasaboorku ku baxay siyaabo aan sharci aheyn midaas oo dhalisay in qaar kamid ah dalalka Yurub ah iyo Mareykanka ay kala laabtaan aqoonsiga joojiyaanne inay Viso saaraan baasaboorka maadaama uusan kasoo bixin gacan dowladeed oo rasmi ah, dad aanan xaq ulaheynne ay suuqyada madow ka iibsanayeen.
Hadaba hanaanka dib-udhiska dowladnimada dalka ayuu baasaboorka qeyb ka ahaa iyada oo ay soomaaliya yeelatay sanadkii2007 Baasaboor Electronic ah, oo aysan haysanin dalalbadan oo Dunida 3aad ah.


Balse aragtida reergalbeedka ee kalsoonida kala laabtay baasaboorkeena waxba kama uusan bedelin baasaborka cusub.

Dadaalada ku aadan aqoonsiga baasaboorka:
Hogaanka sare ee Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda soomaaliya oo ka jawaabaya baahida bulshada soomaaliyeed ee Aduunka qaxootiga kunoqonaya si ay u helaan dukumiinti ay ku socdaalaan oo qura, Dareemayane Culeyska ee leedaha in Baasaboorkena aysan dadlka qaar aqoonsaneynin, aya u istaagay inuu dunida kala doodo in la aqoonsado baasaboorkeena, Balse inta badan dalalka diidanaa baasaboorka ayaa ku andacoonayay inaan lagu kalsoonaan karin iyaga oo ku sababeynaya 2qodob
1- “Security Features” Calaamadaha amaanka ee baasaboorka leeyahay
2- Habka lagu bixiyo baasaboorka oo ay aaminsanaayeen inaanan loo marin waddo sax ah.

Balse Nuuca baasaboorkeena iyo Habraacyo lagu qaato baasaboorka oo waxbadan laga hagaajiyay ayaa u horseeday in dood adag lagala hortago dowladaha dooda ka keenay.

Heerarka aqoonsiga baasaboorka
Heerka 1aad:
Dooda joogtada ah ee aan laga daalin oo uu Hogaanka sare ee HSJ lagalay dalalka aan aqoonsaneyn baasaboorka ayaa waxay dhalisay in la iskagasoo dhawaado aragtida ku aadan aqoonsiga, iyada oo dalalkii dooda ka keenay heerka isku haleynta baasaboorka iyo inuu soo buuxinkaro shuruurdaha laga rabo baasaboor caalami ayaa HSJ waxay baasaboorka geysay Laababka (Sheybaarada) caalamka ugu weyn ee lagu baaro Dukumiintiyada sida Baasaboorada ah, iyada oo la geyay Shaybaarada intabadan dowladaha waawey sida Mareykanka, Ingiriiska, iyo yurubta inteeda kale.

Nasiib wanaag natiijadu waxay noqotay positive oo baasaboorkeena waxa uu buuxiyay shuruudaha ICAO standards ee Security Features-ka baasaboorka. Midaas oo soo jeedisay indhaha qaar kamid ah dowladaha waaweyn ee anan baasaboorka aqoonsaneynin sida Dowladda Norway.

Heerka 2aad
Kadib marki ay natijadii baaritaanka ay isku mid noqotay dhamaan meelihi lageeyay lana xaqiijiyay inuu baasaboorka soomaaliga uu yahay Dukumiinti lagu kalsoonaan karo ayaa hadane waxaa bilaabatay dooda qeybteeda kale oo ah inay shaki ka muujiyeen habka lagu bixiyo baasaboorka,

Dooda heerka 2aad oo aad uga adkeyd dooda heerka 1aad oo lagu kala baxay qalabka wax lagu-baaro, ayaa aheyd mid aanan sahlaneyn in si af ahaan ah loogu qanciyo dowladaha doodaan qaba, balse ugu danbeyn waxaa la islagaaray in dowladaha yurub ay usoo wakiishaan Xarunta Norway ee Kaarka Aqoonsiga (Norwegian ID Center) oo ah xarun ku takhasustay hubinta dukumiintiyada iyo cilmibaarista la xiriirta baasaboorada iyo ID-yada inuu cilmi baaris -#itus_ee_itaabsii ah- uu ku sameeyo habka lagu qaato baasaboorka soomaaliga ah.
Khubaro ka socota machadkaas ayaa November 2017 ku kala bixiyay booqasho cilmi baaris Magaalada muqdisho, iyo safaaradda soomaaliye ee Nairobi oo ah xarunta ugu weyn ee dalka dibadiisa ah ee laga bixiyo baasaboorka.

Khubaradaan oo sameeyay cilmibaaris qotodheer ayaa soo maray dhamaan heerarka uusoo maro bixinta baasaboorka,
Sida Dowladda hoose oo bixisa Dhalashada iyo sugnaanta,
CID oo bixisa warqadda danbi la’aanta
Iyo HSJ heerarka kaladuwan oo uu maro baasaboorka.
Nasiib wanaag Natiijadi cilmi baaristaan ayaa noqotay mid 100‭% Positive ah.
Warbixnta cilmi baarista ayaa lagu sheegay in Habraaca bixinta baasaboorka Soomaaliga uu ka wanaagsan Dalal badan oo dunida ah.
Warbixtaan ayaa lala wadaagay dhamaan dowladaha yurub oo markii horaba u wakiishay machadkaan inuu u sameeyo cilmibaaristaa.
Dowladda Norway oo machadka laga leeyahay ayaa noqotay dowladii ugu horeysay ee ku camalfasha natiijada cilmibaarista iyada oo aqoonsatay baasaboorka soomaliga Nuucyadiisa kala duwan.
Waxaan sugnaaba waa dowladaha kale ee yurub oo dhawaan iyana ku dhawaaqa aqoonsiga baasaboorkeena.

Heerka3aad
Kaalinta Diplomasiyadda:
Dooda aqoonsiga baasaboorka ayaa kasoo gudubtay heerarka farsamo, Kadib markii ay Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ka qancisay madmadowgii ay ka muujiyeen dowladaha aan aqoonsaneyn baasaboorkeena, waxa lasugaaba waa go’aanno siyaasadeed ee dalalkaas.
Waxaana go’aanadaas saameyn kara Madaxda sare ee qaranka oo goobwalba iyo gogolwalbaba uga hadlo aqoonsiga baasaboorka.
Tusaale ahaan;
Isbuucaan gudihiisa waxaa dalka Biljamka ka dhacaya shir caalami ah oo loo qabanayo dowladda Soomaaliya, ayna kasoo qeybgalayaan Dowladaha caalamka inta daneysa arimaha soomaaliya oo ay kamidyihiin dowladaha aan aqoonsaneyn baasaboorkeena, iyada oo horay shirar kale oo nuucaan ah lagu qabtay Dalalka UK iyo Denmark waxayna dowladahaan 3daxda ah kamideysanyihiin in aysan aqoonsaneyn baasaboorka Visahane madaxdeena lagu siiyo Warqado.
Waxa kaliyah oo ay dowladeenu sameynkarto ayaa ah inay dowlad walba ee martigalineysa shir soomaaliyeed ama Masuul soomaaliyeed ay visaha kubixoso baasaboor soomaaliga ah, hadii aysan saareyninne shirarka lagu qabto dalka gudihiisa.

Balse hadii aanan la hureynin in dibadda lagu qabto Dowladeena waxay ku doodi kartaa in lagu qabto Dalalka aqoonsan Baasaboorkeena, oo ay kamidyihiin dalal badan oo yurub ah sida Faransiiska iyo Talaiyaanuga iyo kuwa kale.
Waxaa hubaal ah ina Sandullo ay dalal badan ku aqoonsayaan baasaboorkeena.

Hadaba fariintaydu waa dowladda oo dhan ha uduubato aqoonsiga Dukumiintigeenna.

FG. Qoraalkaan waa aragtideyda shakhsiga ah oo ku saleysan xog-ogaalnimo balse wakiil ugama ihi Hay’aada Socdaalka iyo Jinsiyadda oo aan ka tirsanahay masuuliyeenteeda.

WQ: Cabdiraxman Caadle.