Madax  Ka Tirsan Maamulka Sh/ Hoose Oo Loo Xiray Dhuxul Laga Dhoofiyay Baraawe

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka warbixiyay safar isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay dhawaan ay ku tageen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay xilli kormeer ay ku tageen magaalada Baraawe ay la kulmeen, Dhuxul si sharci darro ah looga dhoofinayay Dekedda magaaladaasi.

Waxaana uu tilmaamay in arrintaasi loo soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda, Ganacsato iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo uu xusay in xukun lagu riday.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u mamnuucday dhoofinta Dhuxusha, taas oo weli si sharci darro ah looga rarayo Dekedo ku yaaalla gudaha dalka.