Maanta Addis Ababa, Isayas iyo Abiyi

Saaka Addis Ababa ayaan ku waa bariistay. Hada ooy saacada G/Afrika tahay 10 am waxaa soo dagay Isayas, MW Eriteriya. Wacdaro anaan weligay arag ayaa ka dhacay.

Saaka salaadi subaxa ayaa jidadka la isa soo taagay. Waxa lagu qiyasay hal miyan dadka jidadka bole road ilaa madaxtooyada isa safay. Qaylo, heeso, tamaashaad iyo sacab tun ayaa 8 am oo ah markuu Isayas soo cagdhigtay ilaa 10 am ayaan kala joogsan..

Xataa markuu xerada madaxtooyada galay wafdiga weli tamaashaadku waa socda.

Waxaa lagu soo dhaweeyey Fardalay dhowr kun ah oo dhaqanka Oromo ka turjumaya. Waxa fardoolayda ku xigay baabur tiro badan oo isugu jirta kuwo yaryar iyo landkarusaro. Waxaa la ii sheegay in fardoolaydan dhaqan Oromoda yahay lana isticmaali jiray xiligii dhargiga TPLFse aanay isticmaalin.

Markaan ku soo wajahnaa jidka bola, laba dumar ah oo af ingriis iyo af Tigre ku hadkaya ayaan ka maqlay hadal diidmo aha. Nika gaadhka ka ah hotelka caalamiga ah ama daganahay ayey ku yidhaahdeen,

“uf, war ma halkan ayuu marayaa ninkani?”

Ninkii gaadh ahaa ayaa ku jawaabay, ” maxaa dhacay, waa maalin farxad iyo bashbash ah.”

Sikastaba ha ahaatee, Itopbiyada cusubi waa ka duwantabay you aynu aragnay 27 ee TPLF iyo EPRDF talada hayeen.

Wax ay Soomaali uga dhigantahayse weli ma cada.

Faisal Roble

#EBC የኤርትራው ፕሬዝዳንት ኢሳያስ አፈወርቂን አቀባበል ፕሮግራም በቀጥታ . . .

#EBC የኤርትራው ፕሬዝዳንት ኢሳያስ አፈወርቂ አቀባበል ፕሮግራም በቀጥታ . . .

Posted by Ethiopian Broadcasting Corporation on Friday, July 13, 2018