BAABILI, MOOYAALE, NAGAYLE, ASTASFARI, IYO DEGAANADA KU XEERAN WAXAA KA SOCDA XASUUQA IYO BARA KICINT AY WADAAN OROMADA TPLF IYO ABDI ILLEY

Degaanka BAABILI oo uu ka dhacay todobaadkan xasuuq aan loo miidaan dayin ayaa loo geystay mushtamaca Soomaaliyeed ee Degaanka. Wuxuuse si gaara u saameeyay BEESHA KARANLE oo naf iyo maalba loo wax yeeleeyay.

Arimahan soo kordhaya waxay wiiqayaan xiriirkii iyo wada noolaanshihii bulshada Soomaaliyeed iyo Oromada.

Waxaa sidoo kale soo baxaya in dhibaatooyinkan ay qayb ka yihiin Ciidamada Federalka oo ah haraadigii TPLF. Hadaba waxaan ugu baaqayaa mushtamaca Oromada ee Af Soomaaliga ku hadasha iyo hogaankeeda inay ka hortagaan arimahani inay dhaliyaan dhibaato ku baahda oo saameysa gobolka iyo degaanada guud ee Soomaaliyeed iyo kan Oromo.

Waa in la fuliyaa wixii lagu wada hadlay ee nabadeynta ahaa. Weliba in laga feejignaado hadalada xanafta leh.

FARIIN GAAR AH:

Waxay arintan si gaara u quseysaa madaxweynaha degaanka Oromo HE. Lemma Megersa. Maaha markii u horeysay oo ay kusoo gaarto wax ka qabashada iyo xakameynta duulaanada iyo dhiiri gelinta colaadaha ka imanaya dhanka mushtamaca Oromo. Iyagoo ka duulaya inay ka aar gutaan xasuuqii Abdi Illey uu geystay. Hadaba dadkani maaha kuwa Abdi Illey ehel iyo saaxiib u ah. Abdi Illey wuxuu aafeeyay Soomaali oo dhan iyo Oromo. Ciduu wax u reebay ma jirto, mana ogolaan karo in sababtii Abdi Illey oo aad ogtahay halkaan isl soo marnay dartiis dadka Soomaaliyeed loo dhibaateeyo.
Yaanay arintani wax yeeleynin xiriirkii saaxiibnimo iyo wada noolaanshaha labada mushtamac ee walaalaha ah.

Waa in deg deg colaada loo joojiyaa oo qof walba uu qaataa kaalintiisa.

Fariintan waxaan u wakiilanayaa madaxa saxaafada degaanka Oromo iyo mushtamaca Af Soomaaliga ku hadla ee Oromo.
Hamza Borana