“Warbaahinta Ingiriiska way na dhayalsadeen (fududaysteen), taasoo ahayd qalad weyn, innagana noo noqotay dhiiri-gelin. Wax kastoo ay soo qorayeen waan aqrinay, wax kastoo ay ku hadlayeenna waan dhagaysanay, saan hore u sheegay, wax ixtiraam ah uma muujiyaan kooxaha ka soo horjeeda, waxayna lahaayeen, ‘ciyaar-yahannada Croatia way daalan yihiin maaddaama ay soo ciyaareen laba kulan oo waqti dheeraad ah.’
Innagana waxaan dhahnay: ‘Ok maanta baa la arki doonaa cidda daalan.’ Ugu dambaynna, waxaan tusinay qaladkooda.
Dhan walba ayaan ka xukunnay, jir ahaan iyo maskax ahaanba, kubadda waan ka haysanay, waxaanna ka faa’idaysanay dul-duleeladooda, ciyaartana waxaan soo af-jarnay iyadoo aan la isla gaarin rigoore.
Runtii waxaan gaarnay guul weyn oo taariikhi ah, ee u soo hoyatay Croatia, haddii aan Koobka ku guulaysanana, waxaan dhihi karaa waxay inoo noqonaysaa Taariikhda ugu wanaagsan xirfaddeena.”
~ Maestro Modric, laacib ka dhisan cagaha iyo cagliga-ba — lol ⚽💪😍
Alinasir Abdirahman