Sheeko gaaban: Nin boqor ahaa, ayaa waddo dhagax weyn Ku gooyey….

Waxaa la yiri; Nin boqor ahaa, ayaa waddo dadku aad u maraan, dhagax weyn ku gooyey.

Mid ka mid ah shaqaalihiisii ayuu amar ku siiyey in uu fadhiisto meel dhagaxa u dhaw, si uu u dhagadhageeyo dareenka guud, ciilka iyo falcelinta dadweynaha waddada adeegsada.

Mid maalqabeen ah ayaa soo maray waddadii, wuxuu arkay in ay xiran tahay. Baabuurkii ayuu ka soo degay, markaas ayuu qaylo iyo caay isku daray, wuuna iska tagay, isaga oo ku hanjabaya in uu dacweyn doono cidda sidaan sameysay.

Waxaa mar kale soo maray waddadii, mid dhismaha ka shaqeyn jiray. Dhagaxii ayuu dhinacyada ka eeggay, si uu u fiiriyo xajmigiisa iyo culeysa uu leeyahay. Ugu dambeyntii, wuu iska tagay, isaga oo careysan, oo neeftuuraya.

Mar kale, waddadii waxaa soo maray, barbaar shaqa la’aani dillootay. Waxey arkeen waddadii oo xiran. Waxay billaabeen dhaliil, cabsho iyo in ay dhaqanka xun ee bulshadooda caayaan, oo waliba cambaareeyaan nidaamka dalka ka jira. Bartii ayey ku kala dareerreen, iyaga oo xal la’.

Waxaa mar kale, waddadii soo maray nin beer ku ag lahaa meesha. Dhagaxii markii uu arkay, ayuu tafaxeytay, wuxuuna riixid ku billaabay dhagaxii, wuxuu u qayladhaansaday dadkii meesha ka ag dhawaa. Dhagaxii waddada dhex yaallay sidaas ayaa waddadii looga wareejiyey.

Arrinta la yaabka leh ayaa noqotay, in ninkii beerraleyda ahaa uu helay god dahab iyo lacagi ka buuxdo, oo ku hoos jiray dhagaxa waddada dhex yaallay. Waxaa dul saarneyd lacagta iyo dahabka, warqad ay ku qoran tahay sida tan; “Mahadsanid. Tani waa amaalmarin yar oo uu leeyahay muwaaddinka daacadda ah ee aan ku joogsan cabsho iyo ciil, balse, xalka isku dayay.

Nuxurka sheekadu waa in aan ilaa iyo xad yareynaa cabashada oo wax uun isku daynaa, si waxa aan ka cabaneyno xal iyo guul loo ga gaaro. Cid ha la sugin. Dhinacaaga ka qabo.

Cabdicasiis Maxamed Shidane

Facebook Comments