Maqaal: Soomaalidu Ma jiraa qof qabiir Ku ah arimaha Xabashida oo falanqayn iyo addorosa?

Soomaali haddii aynnu nahay innagu ma ogi maskax takhasus aqooneed u leh arrimaha Xabashida oo falanqayn iyo addoros qumman innooga soo shiili karta isbeddelka aadka u weyn ee dhulkaa ka socda. Aragtiyo iyo faallooyin aan qoto aqooneed lahayn ayaynnu meelahaa wadwadnaa. Awalba nasiib xumo weyn bay ahayd in aan la helin boqollaal soomaaliyeed oo ku xeeldheeraada ammuuraha Xabashida, kol haddii uu yahay dalka kowaad ee ina saameeya waxna innaga galeen. Masar, Soodaan, Erateriya, Kiiniya iyo ummadaha isbeddelkani saamaynayo oo dhan kolley wax ay lee yihiin dad khubaro ah oo u faalleeya, laakiin qolo waliba xagasha iyada khusaysa ayay wax ka eegaysaa (kolley qolyaha Carbeed baan anigu aad u ga warhayaa).

Haddaba qodobbo dhawr ah ayaa i la qumman in aynnu isbeddelkan ka dhex eegno/aragno waxna is ka wayddiinno:

1. Isbeddelkan socdaa ku ma eka aragtida iyo doonista qofeed ee Caabbi Axmed, sida in badan loo dhigo, waa se midho ka dhashay kacdoonkii ballaadhnaa ee dadyowga Xabashida, gaar ahaan Oromada iyo Amxaarada, waana waaqic ay dawladda Federaalku ku qasbanaatay si dalku u sii jiro oo aan loo ka la daadan.

2. Reer Galbeedka Masiixiga ah oo dalkan aad u ga warhaya, in badanna ku oggolaa kuna ilaalinayay foolxumooyinkii isir-diineed iyo cadaadiskii siyaasadeed ee jiray, waxaa muuqata isbeddelkan in ay barakeeyeen iyaga oo u gu danaynaya jiritaanka iyo midnimada Xabashida.

3. Caabbi Axmed waa jookar leh wajiyo badan oo isbeddelkan ku habboon una adeegaya: Waa Oromo oo ah qoomiyadda dalka u gu tirada badan weligeedna dulmanayd kacdoonkana u gu darnayd, waxaa is ka dhalay muslin iyo masiixi, isagu waa calmaani oo diinta siyaasadeed macno u ma leh, waa nin aqoon wanaagsan aadna wax u akhriya oo maskax furan, waa faca cusub ee Afrika oo aan u dabranayn taariikhdii madoobayd ee siyaasiga Afrika ee qoomiyadnimada, qabyaaladda iyo gumaysi-raaca midnaba, sidaa darteed waa nin cido badan raalligelin kara oo ay ku kalsoonaan karaan, gudo iyo debedba.

4. Heshiiska Erateriya ee maantu wax uu saamayn aad u weyn ku yeelanayaa gobolka oo dhan: wax uu xoojinayaa ganacsiga iyo awoodda dhaqaale ee Xabashida, wax uu joojinayaa loollankii siyaasadeed ee labada dal ka dhex wadeen dhulka Soomaalida, taasina wax ay markeeda joojin kartaa faragelintii tooska ahayd ee Xabashidu innagu haysay sanooyinka badan.

5. Haddii ay rumowdo niyadsamida Caabbi Axmed ee nabad ku wada noolaanshaha iyo faragelin la’aantu, waxaa adhaxda ka jabaysa awoodda basarxumada ah ee maamul goboleedyada Soomaaliya ku carqaladaynayaa Dawladda Dhexe, awooddaas oo ay inteeda badan ku helayeen u madaxbuuxinta Xabashidu siiso, taasina wax ay tabaraynaysaa awoodda fulineed ee Dawladda Dhexe.

6. Soomaali Galbeed wax ay haysataa fursad weyn oo la mid ah tii 1991, waxaana haddii la dadaalo la gorgorin karaa madaxbannaani iyo dawladnimo ay Soomaalidu yeelato. Tani sida qudha ee ay ku suuroobi kartaa waa Soomaalida oo dhab u midowda iyo Jabhadda Xoraynta Ogaadeenka oo magacaa mustaxiilka ah ka tanaasusha, oggolaatana magac soomaalida dhulka wada lihi wada lee dahay. Xitaa haddii ay qasab noqoto in Xabashida la ga sii mid ahaado beddelista magacaasi midaynta Soomaalida waa u lamahuraan si maamul goboleedku u tayoobo.

Intaa ka dib, haddii ay jirto cid haysa aqoon Soomaaliyeed oo arrimaha waqtigan taagan faallo macno leh ka qortay, fadlan ha i tusto.

Ibrahim-Howd Yusuf