ISBADALADDA SIYAASADEED EE KA SOCDA GOBOLKA GEESKA AFRICA WAA MID HOR SEEDI KARAA NABAD IYO HURUMAR:

Ka dib markii PM. Aby Ahmed uu la yimid siyaasad ka duwan tii hore kuna baaqay nabad iyo ixtiraam, waxay abuurtay in maanta uu biloowday in wada hadal toos ah ay dowlada Ethopia ka gasho jabhada ONLF. Wadahadaladaas waxaa hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Dibada Ethopia Dr. Warkeneh Gebeyehu iyo admiral Mohamed Omar Osman oo ah hogaamiyaha Ogaden National liberation Front ONLF. Jabhada waxay ahayd mid hubeeysan oo in mudo ah la dagaalameeysay dowlada Ethopia.

Wada hadaladaan waxay qayb ka noqon karaan xoojinta nabada iyo hurumarinta Geeska Africa, runtiina waa mid mudan in la soo dhaweeyo.

Waxaan waligeey aaminsanaa in gobolka geeska Africa uu la yimaado siyaasad ku dhisan nabad iyo ixtiraam, taasi oo horseedi karta hurumar, barwaaqo iyo deris wanaag.

Sheikhnor Abocar Qassim