Duqii hore ee Xamar Mungaab oo dhaleeceeyey xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed

Gen, Xasan Maxamed Xuseen {Muungaab} oo ahaa Duqii hore ee Muqdisho ayaa dhaleeceyn kulul dusha kaga tuuray Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga haatan-na ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Md, Cabdi-risaaq Cumar Maxamed, General Muungaab ayaa hoosta ka xariiqay in Wasiirkaasi hore uu u baahn Saminaar ku saabsan Tarbiya Waddaniya (التربية الوطنية).

Gudoomihii hore ee G/Banaadir ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal u qornaa sidatan:-

In wax la iska weydiiyo asbaabtii kalliftay Qaraxii Dorraad ee Otto-Otto iyo la xisaabtanka cidda ka gaabisay shaqadeeda waa arin loo baahan yahay, waxaana filayaa in waqti xaadirkaan madaxda Dalka ay ku howlan yihiin sidii ay Talaabadii ku haboonayd uga qaadan lahaayeen arinkaas.

Laakiin bal aan wada xasuusanno Qodobada soo socda :

1- Wasiirku wuxuu soo hadal-qaaday waddooyin la xiray, balse Xildhibaanku xilligii uu Wasiirka Amniga ahaa waddo xirid, bur-burin iyo gerweyn la dhicid laamiyadii ay noo dhiseen Wallaalaha Turkiga ayaa dhaqan u aheyd, waana waxa kaliya oo ay ninkaasi ay ku xasuustaan Shacabka Soomaaliyeed!!!. .

2- Isla xisaabtanka waa arin wanaagsan laakiin xiligii uu Xildhibaanku ahaa Wasiirka Amniga Qaraxyadii waa-weynaa oo ay ku dhinteen Allaha u naxariistee Boqollaal shacab iyo Masuuliyiin Soomaaliyeed halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen isla markaana ku burburtay hanti fara badan maxaa la isu weydiin waayay oo looga xisaabtami waayay?

Tusaale ahaan:- Qaraxyadii Hotel Saxafi 1, Makko Al-Mukarama, Ambaasatoor, Central, Liido Sea Food, Beach Veiw iyo kuwo kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin !!
Qaraxyadaasi yaa xilkoodi ku waayay ? waxaan xasuustaa in shacabka loo sheegi jiray “Waa ku daba jirnaa, waan baaraynaa iyo guddi ayaan u saarnay” !!!! .

3- Xildhibaanku wuxuu qiray in bilihii la soo dhaafay Amniga Caasimadda Muqdisho uu soo hagaagay, Qaraxyadiina ay yaraadeen balse halkii uu ka bogaadin lahaa Hay’adaha Amniga Qaranka ee Alle ka sakow guushaa xaqiijiyay ayuu ku dooday in Nabadda ka jirta Xamar aysan ku imaan dadaal Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaheeda Amniga ay sameeyeen hase yeeshee ay ku timid nabaddaasi duqaymaha ay sameeyaan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom ee ka dhanka a Al-shabaab.

Nasiib darro waxan aad ula yaaban ahay Xildhibaan heer Federaal ee Dowladdii uu ka tirsanaa u diidan guulihii ay ka gaartay Amniga Caasimadda ee ku dooddaya ciidamada Qaranka waxba ma qaban ee Afrikom ayaa qaraxyadii ka yaraysay Xamar waana taa waxa aan u leeyahay Mudanaha wuxuu u baahanyahay siminaar ku saabsan Tarbiya wadaniya.

Soomaaliya Ha-Noolaato