Xiisad dagaal oo ka taagan deegaanka Tukaraq

Sida aan ku heleyno wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa ku warramaya in xiisad u dhexeysa maamullada Soomaaliland iyo Puntland saakay ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa lagu soo warramayaa in Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland ay ka wadaan gudaha deegaankaasi.

Labada maamul ayaa maalmihii dambe Ciidamo dheeraad ah ku daabulayay jiida hore ee dagaalka, sida ay Shabelle u sheegeen dad deegaanka ah.

S/land iyo Puntland ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay deegaanka Tukaraq ee G/ Sool, kuwaas oo waxyeelo ka soo gaartay dad Rayid ahaa oo aan waxba galabsanin.