Xashiishka laga beero Hiiraan ayaa dhibaato weyn ku hayo dhulka Soomaaliya iyo Itoobiya

DEEFOOW IYO KABXANLEEY oo xashiishka ugu badnaa Soomaaliya lagu beeri jiray ayaa maanta heerkii ugu sareeyay beerista xashiishkaas gaaray heer aad u sareysa, xilli ciidamada Hiiraan ay afartii sano ugu danbeysay ay la dagaalamayeen abuurista xashiishkaas haataana ay u egyihiin kuwa ka gaabiyay la dagaalanka xashiishkaas.

Xashiishkaan ayaa sida la sheegayo loo dhoofiyaa Muqdisho iyo Itoobiya iyadoo si weyn ugu baahay Hiiraan. Ciidamada Hiiraan ayaa ka gaabiyay la dagaalanka xashiishkaas oo si weyn ugu baahay gobolada dalka iyo Itoobiya.

Afar sano ka hor ciidamada Hiiraan ayaa ku gubay xashiish lacagtiisa lagu qiyaasay 2 milyan dollars tuulooyinka Deefoow iyo Kabxanleey. Waxaa suuqyada gobolada qaarkood kusoo batay caruur xashiishkaas aad u cabto.

Ciidamada Hiiraan iyo kuwa AMISOM ayaa loogu baaqay in Deefoow iyo Kabxanley laga sameeyo saldhigyo waa weyn oo lagula dagaalamo xashiishkaas sida weyn ugu baahaya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xshiishka